Arts & Culture

Aar Maanta: Ubadkaa Mudnaanta Leh

Fanaanka caanka ee Aar Maanta ayaa maalintii Jimcaha ee ay bishu ahayd March 22, 2019 si rasmi ah u soo saaray album iyo heeso cusub oo ah suugaan, maanso iyo murti loogu talagalay da’yarta iyo carruurta. Albumkan cusub ayaa magaciisu uu yahay Ubadkaa Mudnaanta Leh. Alumkan cusub ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah […]

Published

on

Fanaanka caanka ee Aar Maanta ayaa maalintii Jimcaha ee ay bishu ahayd March 22, 2019 si rasmi ah u soo saaray album iyo heeso cusub oo ah suugaan, maanso iyo murti loogu talagalay da’yarta iyo carruurta. Albumkan cusub ayaa magaciisu uu yahay Ubadkaa Mudnaanta Leh.

Alumkan cusub ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee uu soo saaro fanaan Soomaaliyeed. Xaflad balaadhan oo si qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Cedar Cultural ee magaalada Minneapolis ayaa si rasmi ah loogu soo bandhay Albumkan Muusikada Carruurta ah.

Aar Maanta oo ah fanaan caan ah ayaa deggan waddankan Britain, waxa uuna ku caan baxay oo uu qaadaa heesoo isugu jira wacyi-gelin, waddani iyo jaceyl.

Heesaha uu ka kooban yahay Albumkan Muusikadda Carruurta ayaa ah Afar iyo toban heesood. Aar Maanta, fanaanada Deeqa Axmed iyo dhallinyaro ayaa iyagu qaadaya heesaha. Heesa qaar kamid ah ayaa luqadda Af-Ingriisiga ah lagu qaadayaa.

Heesaha fanaanka Aar Maanta ayaa waxaa aad u jecel dhalinyarada, waalidka, dadka waaweyn ee Soomaaliyeed iyo weliba dadweynaha kale ee aanan Soomaalida ahayn.

Albumkan Muusikada Carruurta ah oo ah mid taariikhi ah ayaa waxa uu fanaanka Aar Maanta iskaashi iyo wada shaqayn la sameeyay Professor iyo Abwaan Siciid Salah, dhallinyaro, fanaanada Deeqa Axmed iyo dadkale oo iyagu takhasus u leh muusikada, fanka iyo qoritaanka la xiriira carruurta.

Heesaha ku jira albumkan ayaa ciwaankoodu yahay ama kala ah:

  1. Kow
  2. On The Day I Was Born
  3. Huuwaya Huuwa
  4. A Son’s Joy
  5. Hooyo
  6. I Am Part 1
  7. Ta Te Ti To Tu
  8. Glitter & Gold
  9. Ubadkaa Mudnaanta Leh
  10. Life
  11. Musi Is My Life
  12. Assalamu Alaikum
  13. Islam
  14. I am Part 2

Sidoo kale Aar Maanta ayaa ay wada shaqeeyeen Xarunta Cedar Cultural oo iyagu gacan weyn ka geystay soo saaritaanka abumkan, una suurta geliyay fanaanka Aar Maanta in uu soo saaro album, heeso, suugaan iyo murti gaar u ah da’yarta iyo carruurta Soomaaliyeed.

Xigashadda Sawiradda: Jon Behm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version