Wararka Soomaalida

Aaska Meydka Wasiir xoosh oo la waqtiyeeyey

Meydka wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maalinta beri ah lagu wadaa in laga soo dejiyo Magaalada Muqdisho ka dibna aas qaran loogu sameyn doono isla Magaalada Muqdisho. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in […]

Published

on

Meydka wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maalinta beri ah lagu wadaa in laga soo dejiyo Magaalada Muqdisho ka dibna aas qaran loogu sameyn doono isla Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in meydka Marxuumka laga soo dejin doono Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho aas qarana loogu samayn doono isla Muqdisho.

Gudigii shalay galab uu magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxay ku jiraan diyaarinta Munaasabada aaska qaran loogu sameynayo Marxuumka.

Aaska qaran ee Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa waxaa ka qayb galaya Xildhibaano,wasiiro,saraakiil,Siyaasiyiin iyo ehelka marxuum Cabdi Xoosh.

Allaha unaxariistee Dr Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa dhawaan waxaa uu ku geeriyooday Magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta ka dib markii uu ku soo booday xanuun deg deg ah.

Magaalada Dubai ayaa wuxuu u tagay Marxuumka ka qayb galka arooska gabadhiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version