Wararka Soomaalida

Aasqaran ayna ka qeybgaleen Madaxsare oo Muqdisho kadhacay+sawiro

Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa salaada Janaasada lagu dukaday Allaha unaxariistee wasiir ku xigeenkii Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya ahnaa Xildhibaan ka mid ahaa Golaha shacabka Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ka dib markii shalay lagu dilay weerarkii lagu qaaday xarunta wasaaradda oo ku taala degmada shangaani ee Gobolka […]

Published

on

Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa salaada Janaasada lagu dukaday Allaha unaxariistee wasiir ku xigeenkii Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya ahnaa Xildhibaan ka mid ahaa Golaha shacabka Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ka dib markii shalay lagu dilay weerarkii lagu qaaday xarunta wasaaradda oo ku taala degmada shangaani ee Gobolka Banaadir.

Salaada Janaasada ah ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Xildhibaano wasiiro iyo Siyaasiyiin.

Mas,uuliyiintan ayaa Alle ugu baryey in Saqar Ibraahim Cabdalla ilaahay dambigiisa uu cafiyo janadiisana ka waraabiyo Marxuumka.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa shaqsi afgaaban dhowrsan salaadana ku dagaala jaclaana horumarka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Qabuuraha intabadanba lagu aaso mas,uuliyiinta dowladda Soomaaliya Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa Siyaasadda wuxuu ku soo biiray sanadkii 2016 kii asagoo markaas la mid ahaa dhalinyaradii dibadda ka yimid ee ku soo biiray Baarlamanka 10-aad.

Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa shalay waxaa uu ka mid noqday 15 kii qof ee Al shabaab ay ku dileen weerarkii ay ka fuliyeen wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version