Wararka Soomaalida

Abiy iyo Macron oo kulmay

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya. Emanuel Macron ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Bole ee Addis Ababa ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed waxaana loo galbiyey aqalka Madaxtooyada itoobiya ee Addis Ababa. Abiy Axmed iyo Emanuel Macron ayaa yeeshay kulan […]

Published

on

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya.

Emanuel Macron ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Bole ee Addis Ababa ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed waxaana loo galbiyey aqalka Madaxtooyada itoobiya ee Addis Ababa.

Abiy Axmed iyo Emanuel Macron ayaa yeeshay kulan socday Afar saacadood waxaana ku lankooda diirada ay ku saareen xoojinta xiriirka labada wadan iyo iskaashiga xagga horumarka.

Emanuel Macron iyo Abiy Axmed ayaa kala saxiixday heshiis ah in dowladda Faransiiska ay ka saacido itoobiya tababarada xagga Ciidanka badda oo itoobiya bilooyinkaanba ku howlan tahay.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa shalay safarkiisa ku saabsan Ololaha Geeska Africa ka bilaabay dalka Jabuuti.

Maanta waxaa uu ku xijiyey safarkiisa itoobiya berina waxaa la hadal hayaa in Kenya uduuli doono waxaana lagu wadaa in Emanuel Macron kulan la qaadan doono Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Safarkan uu ku marayo qaar ka mid ah wadamada Geeska Africa Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa waxaa lagu fasiray in iskaashi dhaw uu la yeelanayo wadamada hadda uu safarada ku marayo.

Ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay Emanuel Macron safarkan Africa ayaa wuxuu yahay mid uu dagaal qabow oo dhanka Ganacsiga ah uu kulagalayo dalka Shiinaha.

Dalka Shiinaha ayaa dhawaan maal gashi Dhinaca Ganacsiga ah ka bilaabay Seddaxdan wadan ee kala ah Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version