Wararka Soomaalida

Abwaan caan ah oo geeriyooday Aasna loo sameeyay+Sawiro

Magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa ku geeriyooday Abwaan Saxariid Maxamed Cilmi (Jebiye) oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed ku wooda haldoorka ah. Marxuum Saxariid Maxamed Cilmi ayaa waxaa mudooyinkaamba ku xanuunsanayay Magaalada Hargaysa iyadoo saaka halkaas uu ku geeriyooday. Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi (Jebiye) ayaa waxaa uu ku dhashay Magaalada Hargaysa ee […]

Published

on

Magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa ku geeriyooday Abwaan Saxariid Maxamed Cilmi (Jebiye) oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed ku wooda haldoorka ah.

Marxuum Saxariid Maxamed Cilmi ayaa waxaa mudooyinkaamba ku xanuunsanayay Magaalada Hargaysa iyadoo saaka halkaas uu ku geeriyooday.

Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi (Jebiye) ayaa waxaa uu ku dhashay Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland sanadka markuu ahaa 1938 maantana wuxuu ku dhintay Magaalada uu ku dhashay.

Hibada Abwaanimada ayaa wuxuu ka bilaabay Magaalada Hargaysa 1954-ilaa 1955tii iyadoo ku caanbaxay heeso wadani ah.

Waxaa aad loogu xasuustaa Heestii caanbaxday ee ahayd (Aanmeelno Hasheena Maandeeq) ee lagu saaray Calanka Buluug ah ee Soomaaliya 1960 26 Juun.

Abwaanka ayaa waxaa aas Qaran usameeyay Maamulka Soomaaliland waxaana lagu aasay Magaaladii uu ku dhashay ee hargaysa waxaana aaskiisa ka qayb galay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Mas,uiliyiinya Maamulkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version