Wararka Soomaalida

Afhayeenka Al shabaab oo cadeeyey sababtii ay uweerareen Hotelka Dusit ee Nairobi

Galabnimadii Talaadada ahayd ayaa waxaa weerar dhaliyey dhimashada in kabadan 20 qof iyo dhaawac intaas ka badan uu ka dhacay Hotel ku yaalla bartamaha Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Warar hadda soo baxay ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku geeriyoodeen Muwaadiniin u dhashay waddamada Maraykanka iyo ingiriiska sida ay tibaaxayaan wararka qaar kood. Weerarkaas ayaa […]

Published

on

Galabnimadii Talaadada ahayd ayaa waxaa weerar dhaliyey dhimashada in kabadan 20 qof iyo dhaawac intaas ka badan uu ka dhacay Hotel ku yaalla bartamaha Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Warar hadda soo baxay ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku geeriyoodeen Muwaadiniin u dhashay waddamada Maraykanka iyo ingiriiska sida ay tibaaxayaan wararka qaar kood.

Weerarkaas ayaa markii uu dhacay daqiiqado ka dib waxaa sheegtay Kooxda Al shabaab iyadoo xiliga Al shabaab Mas,uuliyada weerarka ay sheeganayeen Hotelka si buuxda ay umaamulayeen Afar ka mid ah Maleeshiyada Al shabaab oo gudaha ugalay Hotelkaas.

Haddaba waxaa weerarkaas sababta Al shabaab uga qaadeen Hotelka Dusit ka hadlay sidoo Kalana cadeeyey waxa keenay in ay weeraraan Afhayeenka Kooxda Al shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheer).

Cali Dheere ayaa sheegay howlgalka ay ka fuliyeen Kooxdooda magaalada Nairobi Hotelka ku yaalla in ay uga dan lahaayeen sidii ay u aargudi lahaayeen dadka reer Falastiin ee Yahuudu dhibaaada ku heyso wuxuuna intaas ku daray hadalkiisa in Howlgalkaas ay uga magac dareen ama ay ubixiyeen Qorshihii u,aargudida walaalaha Reer Qudus.

Afhayeenka Al shabaab Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in goobta ay weerareen ku yaaleen Xafiisyo shirkado Hay’ado iyo sidoo kale hotelo,wuxuuna sheegay Cali Dheere in saacado badan dagaalyahanooda ka dhex dagaalameen gudaha Xafiisyadaas.

Dhinaca kale Cali Maxamuud Raage Afhayeenka Maleeshiyada Al shabaab ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan jawaab u ahaa Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ka dib markii Trump u,aqoonsaday Magaalada Qudus in ay tahay Caasimada maamulka Israa’il, wuxuuna xusay Cali dheer in weerarkaasi uu muujiyey tabar darada Ciidanka Kenya.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen dad aan ka yareen 100 oo isugu jira Maraykan, Britan iyo dad kale oo Kenyan ah wuxuuna xusay in dad kale oo badan  weerarkaasi ay ku dhaawacmeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version