Wararka Soomaalida
Afhayeenka Al shabaab oo ku faanay xasuuqii Excontrol Afgooye
Cali Maxamuud Raage Cali Dheere Afhayeenka kooxda Al shabaab oo caawa soo diray fariin cod maqal ah ayaa ku faanay in kooxdooda ay ka dambayso weerarkii xasuuqa ahaa ee Sabtadii ka dhacay Excontrol Afgooye ee Muqdisho wuxuuna sheegay Cali Dheere in qaraxaasi ay ku laayeen murtadiin.
Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in ujeedkooda aan ahayn shacabka balse qaraxaas ujeeda ay ufuliyeen uu ahaa saraakiisha Turkida ah ee dhismaha wadada wadada u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho intii ku dhimatay qaraxaasi ay yihiin shahiidiin sida uu sheegay Cali Dheere.
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay in kabadan 100 ruux oo shacab ah miyay Al shabaab ka doorsadeen labo qof oo Turki ah.
Kooxda Al shabaab ayaa badanaa sheegan jirin xasuuqa ay ka fuliyaan Muqdisho sida kii hotel Shaamow iyo kii 14-kii October ee Soobe ka dhacay balse kan Cali Dheere wuxuu ku faanay in gaalo ay ku laayeen iyadoo qaraxaasi Sabtadii ka dhacay Excontrol Afgooye ay ku dhinteen ugu yaraan 140 qof oo labo ay ka yihiin Injineero Turki ah dhaawacana uu marayo 230 ruux.
Afhayeenka kooxda Al shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa Turkida ugu goodiyay in markasta dagaal uu kala dhaxeeyo.