Wararka Soomaalida
Agaasimaha hay’adda lacagta Aduunka oo ku baaqday in Soomaaliya laga cafiyo deynta
Agaasimaha Hay’adda lacagta Adduunka Kristalina Georgieva oo hadl ka jeedisay kulan hor dhac ah ayaa Dalalka Adduunka ka codsatay in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu leeyahay iyadoo weliba intaas ku dartay in la joogo waqtigii deynta laga cafin lahaa Soomaaliya.
Kristalina Georgieva ayaa sheegtay horumarka Maaliyadeed ee Soomaaliya hadda ka jira uu yahay mid lagu kalsoonaan karo isla markaana taas ay u horseedeyso in deynta laga cafiyo.
Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh oo Washington kulan kula qaatay Agaasumaha hay’adda lacagta aduunka Kristalina Georgieva ayaa umahad celiyay sida sharafta leh ee aduunka ugu sharaxday heerka dhaqaale ee hadda Soomaaliya uu marayo sidoo kale ugu codsatay in Soomaaliya laga cafiyo denta lacageed ee lagu leeyahay.
“Deyn-cafintu waa guul ummadda Soomaaliyeed ay wada sugeyso, taasoo ah mid aan horumar iyo maal-galin sax ah ku gaari doono”ayuu yiri wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan ducaale beyleh.
Halkaan ka akhrista qoraalka hadalka Kristalina