Wararka Soomaalida

Agaasimaha Hay’adda NISA oo lamagacaabi doono

War si hoose Madaxtooyada Soomaaliya uga helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in saacadaha nagu soo aadan lagu dhawaaqi doono Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Hay’adda NISA ayaa ku dhawaad halsano ahayd mid lahayn Agaasime ka dib markii 13 October sanadkii hore ee 2018kii uu iscasilay Agaasimihii NISA Xuseen Cismaan Xuseen ka […]

Published

on

War si hoose Madaxtooyada Soomaaliya uga helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in saacadaha nagu soo aadan lagu dhawaaqi doono Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Hay’adda NISA ayaa ku dhawaad halsano ahayd mid lahayn Agaasime ka dib markii 13 October sanadkii hore ee 2018kii uu iscasilay Agaasimihii NISA Xuseen Cismaan Xuseen ka dib markii uu ka mid noqday Musharaxiintii Maamulka Koonfur Galbeed.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in shaqsiga loo magacaabayo uu ka imaanayo dhinaca Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo habka awood qaybsiga Soomaaliya lagu salaynayo sida ay inoo sheegeen ilaha aan warkan ka soo xiganay.

Iscasilaadaas wixii ka dambeeyay ayaa Hay’adda waxaa si kumeel gaar ah umaamulayay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version