Wararka Soomaalida

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Nigeria soo gaaray Muqdisho

Published

on

Agaasimaha hay’adda sirdoonka dalka Nigeria iyo wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo caawa ku hooyanaya magaalada iyagoo laba cisho ku sugnaan doona magaalada Muqdisho.

Axmed Abubakar Rufaaci Agaasimaha hay’adda sirdoonka Nigeria iyo wafdigiisa ayaa caawaba kulan la qaatay Agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin sida lagu sheegay qoraal kooban oo barta twitter-ka ay soo dhigtay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

“Axmed Abubakar Rufaaci iyo Fahad Yaasiin ayaa kala saxiixday isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal”sida lagu sheegay qoraalka NISA.

Nabad-sugidda Soomaaliya ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer hase yeeshee bilihii mudooyinkaanba waxaa soo badanayay madaxda sirdoonka caalamka ee soo gaaraya Muqdisho.

17-kii September ayaa waxaa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid Taliyaha siradoonka wadanka Angola Gen. Jose Luis Gaetano Higino isagoo la kulmay agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyagoo ka wada hadlay sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay la-dagaalanka argagaxisada.

Trending

Exit mobile version