Wararka Soomaalida
Agaasime cusub oo loo magacaabay Villa Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya umagacaabay Prof Nuur Diiriye Xirsi oo loo yaqaano (Fuursade) iyadoo Prof Nuur Diiriye Xirsi uu ka mid ahaa markii horaba la taliyaasha dhanka Siyaasadda xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Magacaabista Aqoonyahankan ee loo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed […]
Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya umagacaabay Prof Nuur Diiriye Xirsi oo loo yaqaano (Fuursade) iyadoo Prof Nuur Diiriye Xirsi uu ka mid ahaa markii horaba la taliyaasha dhanka Siyaasadda xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Magacaabista Aqoonyahankan ee loo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu ku tilmaamay inay tahay mid ku haboon in loo magacaabo xilkan Prof Nuur Diiriye Xirsi.
“Maanta oo Taariikhdu ay tahay 15 May 2019ka waxaan Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Villa Soomaaliya umagacaabay Prof Nuur Diiriye Xirsi ka dib markii aan u arkay inuu ku haboon yahay xilkan in loo magacaabo,waa shaqsi aqoonyahan ah daacad ah dalka iyo dadkiisana usoo halgamay intii uu ka mid ahaa xafiiska waxaan ku amaanayaa inuu ahaa howlkar daacad ah waxaan alle ugu baryayaa inuu ufudadeeyo xilkan aan umagacaabay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Prof Nuur Diiriye Xirsi Fuursade ayaa waxaa uu ka soo shaqeeyey hay,ado aad utiro badan waxaana lagu amaanay inuu yahay howlkar aan daalin oo daacad ah.