Wararka Soomaalida

Agaasimihii wasaaradda arrimaha dibadda oo xilkii laga qaaday

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaqadii ka ceeriyey Agaasimihii Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdulaahi Axmed Dool ka dib markii uu taageero muujiyey Maamulka Israa,iil. Go’aankaan oo kasoo baxay Wasiirka ayaa la sheegay inay sababta shaqada looga ceyriyey tahay hadalkii uu dhawaan ku taageeray in xiriir lala sameeyo Maamulka Israa’iil ee xoogga ku […]

Published

on

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaqadii ka ceeriyey Agaasimihii Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdulaahi Axmed Dool ka dib markii uu taageero muujiyey Maamulka Israa,iil.

Go’aankaan oo kasoo baxay Wasiirka ayaa la sheegay inay sababta shaqada looga ceyriyey tahay hadalkii uu dhawaan ku taageeray in xiriir lala sameeyo Maamulka Israa’iil ee xoogga ku heysto dhulka Falastiin.

Cabdulaahi  Axmed Dool oo ahaa agaasimihii shaqada laga ceyriyey ayaa Twitterka ku soo qoray Qoraal uu ku taageerayo inay Soomaaliya xiriir la yeelato Israa,iil.

Cabdulaahi Axmed Dool waxa uu Twitter-kiisa ku qoray inaysan diplomaasiyad ahaan wax dhibaato ah la lahayn inay Soomaaliya xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israa,iil,wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inay Soomaaliya dan weyn ugu jirto inay soo dhaweysato Israa’iil.

Sidoo kale Dool ayaa qoraalkiisa Twitter-ka ku sheegay inay  Shacabka Reer Falastiin yihiin dad khasaaray, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Xamaas  oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool Magaalada Barakeysan ee Qasa.

Qoraalka uu Agaasimaha soo dhigay Twitter-ka ayaa waxay dad badan oo Soomaaliyeed kaga falceliyeen inuu hadalkaan yahay mid doqonimo ah isla markaasna aysan marnaba macquul aheyn inay Soomaaliya raali ka noqoto xiriir Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel oo xoog ku heysato dhulal badan oo ay leeyihiin Muslmiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor cadaadis xoog leh iyo cambaareyn kala kulantay markii ay ka aamustay qaraarkii uu Trump ku sheegay inuu Israa’iil u aqoonsaday dhulkii ay 1967 xoogga kaga qabsatay Siiriya inkastoo markii dambe ay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya sheegtay inaysan marnaba ogolaan doonin in dhulkaas loo sharciyeeyo Israa’iil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version