Wararka Soomaalida

Ahlusannadii maanta sigtay oo soo bandhigay awood Ciidan+Sawiro

Ka dib markii maanta nin dhalinyaro ah oo soo xirtay Jaakadaha iyo Suumanka la,isku qarxiyo uu damcay inuu isku dhax qarxiyo Madaxda Ahlusunna ee Gobolada dhexe xili munaasabad ay ku lahaayeen Degmada Gura-Ceel ee Gobolka Galgaduud lagana hor tagay ayaa Ahlusunna waxay soo bandhigeen Dhoolo tus Ciidan oo ay ugu goleeyihiin isku daygii Al shabaab […]

Published

on

Ka dib markii maanta nin dhalinyaro ah oo soo xirtay Jaakadaha iyo Suumanka la,isku qarxiyo uu damcay inuu isku dhax qarxiyo Madaxda Ahlusunna ee Gobolada dhexe xili munaasabad ay ku lahaayeen Degmada Gura-Ceel ee Gobolka Galgaduud lagana hor tagay ayaa Ahlusunna waxay soo bandhigeen Dhoolo tus Ciidan oo ay ugu goleeyihiin isku daygii Al shabaab ee fashilmay.

Ciidamada Ahlusunna ayaa gudaha Magaalada Gura-Ceel ku dhaxmaray Gaadiid dagaal iyo gaadi kaciyaar askar aad ufarabadan oo Ahlusunnada ay leeyihiin waxaana Ciidamada xiligii dhoola tuska ku jireen qaadayeen Qasiidoonka Nabi amaanka ah ee Ahlusunnada caanka ku yihiin.

Degmada Gura-Ceel ee Gobolka Galgaduud ayaa galabta Ahlusunna waxay ku soo bandhigeen awooda Ciidan ee ay leeyihiin iyo inay ku muujiyaan in ay yihiin Urur hubaysan oo lagu deg degi karin.

Arintan dhoola tuska ah ee Ahlusunna ku sameeyeen Gura-Ceel ayaa waxay imaanaysaa ka dib markii maanta Al shabaab isku dayeen in qarax ku laayaan Madaxda Ahlusunna ee munaasabad lagu xusayay Ciidankii kaga dhintay dagaalkii sanado ka hor lagaleen Al shabaab ku lahaa halkaas.

Xili ay soo geba gabowday munaasabadaas ayaa la sheegay in nin dhalinyaro ah uu soo dhax galay Madaxda Ahlusunna xili ninkaas dhalinyarada ah uu xirnaa Jaakadda la,isku qarxiyo ka dibna isku dayay inuu is qarxiyo ka dib waxaa u qarxiwaayay Aaladda qaraxda ee ku xirneed Jaakaddii uu xirnaa,waxaa ninkaas ka shakiyay oo arkay askari ka mid ah Ciidanka Ahlusunna.

Ninkan dhalinyarada ah oo la xarbinaya Jaakaddiisa iyo taataabasho faraban oo jirkiisa ah ku gudajiray ayaa waxaa si geesinimo leh ugu soo booday oo isku duubay si garba duub ahna uqabtay askariga Ahlusunna ah sidaasoo lagu ogaaday inuu damacsnaa ismiidaamin qarax ah.

Ninka dhalinyarada ah ee doonayay inuu isku qarxiyo Madaxda Ahlusunna ayaa markii uu isku duubay askariga Ahlusunna waxaa ku soo xoomay askartii Miina baarista ee Ahlusunna waxayna ku guulaysteen inay ka furfuraan qaraxii ku xirnaa gudaha Jaakadda waxaana hadda lagu hayaa Degmada Gura-Ceel hal kasoo wareysi lagula yeelanayo.

Munaassbadaas ay xusayeen Ahlusunna  ayaa waxay ubixiyeen Shuhadaa si loogu xasuusto dhalinyaradii udhintay difaaca Ahlusunna ee Gobolka Galgaduud dagaalka ba,ana lagalay Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version