Wararka Soomaalida

Akhriso Taariikh nololeedka Ibraahim dheere ee Maaliyadda loo magacaabay

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim dheere) wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Gudoomiyaha Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir ka dib xeer Madaxweyne oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Ibraahim Cumar Mahad Alle ayaa magacaabista xeerkan waxaa loo cuskaday inuu yahay shaqsi khibrad waayo aragnimo fiican uleh xilkan loo […]

Published

on

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim dheere) wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Gudoomiyaha Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir ka dib xeer Madaxweyne oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Ibraahim Cumar Mahad Alle ayaa magacaabista xeerkan waxaa loo cuskaday inuu yahay shaqsi khibrad waayo aragnimo fiican uleh xilkan loo magacaabay kana soo bixikara Maamulka Maaliyadda inuu yahay sidaasna Madaxweyne Farmaajo xeer Madaxweyne ugu magacaabay xilkaas loo igmaday Ibraahim dheere.

Haddaba waa qof noocee ah shaqsiyadda Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka Maaliyadda ee maanta Madaxweyne Farmaajo xilkaas umagacaabay.

Ibraahim Cumar Mahad Alle Ibraahim dheere wuxuu ku dhashay Degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan sanadka markuu ahaa 1975-tii halkaas ayuuna ku hana qaaday kuna soo barbaaray yaraatiisii Ibraahim dheere sida lagu xusay Taariikh nololeedkiisa.

Dhinaca Tacliinta asaasiga ah.

Dugsiga hoose iyo dhexe ee Magaalada Beledweyne Axmed Warsame ayaa wuxuu ka qaatay Shahaadada waxbarashada asaasiga ah sidoo kale isla Magaalada Beledweyne ayuu kaga soo baxay Duqsiga sare ee waxbarashadiisa dhexe xiligii ay jirtay Dowladdii uu hogaaminayay Alle ha,unaxariistee Jannaraal Maxamed Siyaad Barre.

Dhinaca waxbarashada Jaamacadda.

Ibraahim Cumar Mahad Alle Ibraahim dheere intaas ka dib waxaa la sheegay inuu aaday dalka dibadiisa wuxuuna ka qalanjebiyay oo shahaadada waxbarashada heerka Jaamacadeed kansoo qaatay Jaamacad ku taala dalka Holland.

Shahaadada 1-aad ee Jaamacadda ayaa wuxuu ku diyaariyay Culuumta Maamulka iyo Xisaabaadka waana sababta la,is dhihi karo wuxu ku mutaystay in Madaxweyne Farmaajo wareegto Madaxweyne xilkan ugu magacaabay.

Xagga shaqooyinka uu soo qabtay 

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle Ibraahim dheere wuxuu lasoo shaqeeyay Hay’adda UNPOS sidoo kale wuxuu ka mid ahaa la-taliyaashii dhinaca Siyaasadda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dowladdii tan hadda jirta ka horaysay Madaxweynaha ka ahaa ee Villa Soomaaliya soo xukumay intii u dhaxeysay sannadihii 2013-2015.

Ibraahim Cumar Mahad Alle Ibraahim dheere dadka sida weyn uyaqaana ayaa waxay ku sheegeen inuu yahay shaqsi siyaasidiisa furfuran tahay dabeecad wanaagsan soo dhaweynta iyo tixgelinta dadka ku wanaagsan eex iyo wax isdabamarin weli aan lagu arkin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version