Wararka Soomaalida

Akriso Taariikh nololeedka xeer ilaaliyaha cusub

Published

on

Ka dib markii maanta wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilkii xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka looga qaaday Dr Axmed Cali Daahir ayaa waxaa xilkaas loo magacaabay Suleebaan Maxamed Maxamuud.

Haddaba waa shaqsi noocee ah Xeer ilaaaliyaha cusub ee bedelaya Axmed Cali Daahir ee maanta xilkii laga qaaday.

Taariikh nololeedka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kooban halkan ka akhriso.

Xeer ilaaliyaha Guud ee cusub Sulaymaan Maxamed Maxamuud waxaa uu ku dhashay degmada Burtinle ee gobolka Nugal Sanadku markuu ahaa 1982.

Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare waxaa uu ku qaatay isla Burtinle wuxuuna Dugsiga Sare dhameeyay 2003.

Heerka koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay Dalka Baakistaan gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka ayuu bartay waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda sanadii 2009.

Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay asaga oo qaatay shahaadada LLM sanadkii 2012.

Jaamacada AL Hamd University oo ku taal Dalka Baakistaan gaar ahaan magaaladada Islamabad ayuu ka qaatay shahaadda B.EDUCATION Sanadii 2013.

Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd Dec 2018.

Xeer ilaaliyaha cusub ayaa wuxuu ka soo shaqeeyey hay’ado dhowr ah oo aan ka xusi karno

1-Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Bakistan.

2-Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Bakistan 2013.

3-Lataliye Sharci ayuu kula shaqeeyay maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu soo noqday Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna Bare ka tirsanaa, Jaamacadda Puntland State University oo Garoowe ku taala.

waxaa uu soo noqday Lataliye dhanka Sharciga ah Guddiga madaxa bannaan ee dibu eegista Dastuurka 2018.

Maanta oo taariikhdu tahay 25/11/2019 ayaa loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Trending

Exit mobile version