Wararka Soomaalida

Al shabaab oo 20 xubnood duqeyn looga dilay

Wararka ka imaanaya Degmada Jannaale ee shabeelada hoose ayaa sheegaya in duqeyn xalay ka dhacday halkaas lagu dilay xubno Al shabaab ah oo gaaraya 20 xubnood sida aan wararka ku helayno. Duqeyntaas ayaa waxaa laga fuliyey guri ku yaalla xaafad ka mid ah degmada Jannaale xili  halkaas ay ku shirayeen xubnahaas Al shabssbka ah sida […]

Published

on

Wararka ka imaanaya Degmada Jannaale ee shabeelada hoose ayaa sheegaya in duqeyn xalay ka dhacday halkaas lagu dilay xubno Al shabaab ah oo gaaraya 20 xubnood sida aan wararka ku helayno.

Duqeyntaas ayaa waxaa laga fuliyey guri ku yaalla xaafad ka mid ah degmada Jannaale xili  halkaas ay ku shirayeen xubnahaas Al shabssbka ah sida uu saxaafadda u sheegay Taliyaha Ciidanka ku sugan aagaas ee lagu magacaabo laba xidigle Kushgale.

Dhinaca kale Al shabaab oo War ka soo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in laga been sheegay wararka ku aadan duqeyntaas 20 xubnood looga dilay balse waxay sheegeen in duqeynta ay jirto dhaawacyana ay soo gaareen xuno 15 ka kooban oo kooxdooda ka mid ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version