Wararka Soomaalida

Al shabaab oo dil iyo gubid Gawaari dhuxul ah ka fuliyey Lafoole

Deegaanka Lafoole ee ku yaalla inta udhexeysa Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee shabeelada hoose ayaa caawa waxaa kooxda Al shabaab dab ku qabadsiiyeen Gawaari dhuxul siday kuna soo wajahneed Magaalada Muqdiaho ka dib markii kooxdan si lamafilaan ah dhuxulayda ugu soo baxay wadada dhinaceeda. Kooxdan Al shabaabka ah ayaa Gaadiidlayda dhuxusha sida ku amray in […]

Published

on

Deegaanka Lafoole ee ku yaalla inta udhexeysa Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee shabeelada hoose ayaa caawa waxaa kooxda Al shabaab dab ku qabadsiiyeen Gawaari dhuxul siday kuna soo wajahneed Magaalada Muqdiaho ka dib markii kooxdan si lamafilaan ah dhuxulayda ugu soo baxay wadada dhinaceeda.

Kooxdan Al shabaabka ah ayaa Gaadiidlayda dhuxusha sida ku amray in ay ka leexiyaan wadada maadaama wadadaas intabadan ay isticmaalaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya Al shabaabkana looga baranin ay soo galaan ama ay dil iyo wax lamid ah ka fuluyaan.

Gaadiidkan iyo raggii la socday ee ugacan galay Al shabaab ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan 4 Gaadiid oo ah nooca Inatareega ama Isjiidka loo yaqaano hadba sida loo kala isticmaalo magacaas,wadiyaashii gaadiidkaas dhuxusha ku rarneed iyo Al shabaabkii ayaa waxaa dhexmaray dood iyo in ay qaataan lacag inta ay doonaan Al shabaab.

Al shabaabkii ayaa la sheegay in ay diideen in lacag la siiyo waxaana dood dheer ka dib arrintii ku biyoshubatay in dhamaan Gaadiidka  dhuxusha sida iyo inta la socotaba amarka la siiyey ay qaataan Gawaaridana ay marsiiyaan wado Qardajeex ah oo dhinaca miiga fog ah.

Gaadiidlaydii dhuxusha ayaa la sheegay in amarkii Al shabaab uhogaansameen iyadoo kooxdii Al shabaabka ahaana ay la socdaan.

markii labo kiilo Mitir qiyaastii ay wada socdeen Al shabaab iyo Gawaaridii dhuxusha ayaa waxaa lagu amray wadiyaasha gaadiidka in ay joojiyaan socodka waxaana la sheegay in hal,hal qof looga soo dejiyey gawaaridii wixii saarnaa Gawaaridaas ka dibna waxaa mid mid loo jeebeeyey Wadishaasii gaadiidka iyo Kirish booyiyaashii.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in lagu bilaabay Gawaaridii oo sidoodii uraran ku bil bilida ama ku shubida Baansiin ka dibna dab la qabatsiiyey labo ka mid ah gaadiidkaas.

Mid ka mid ahaa Darawaliintii Gaadiidkaas ayaa la sheegay in ay is af dhaafeen kooxdan Al shabaabka ah asagoo jeebaysan ka dibna halkaas ku toogtay Kooxdii Al shabaabka ahaa sida uu nala wadaagay mid ka mid ah Darawaliintii Al shabaabka laga soo badbaadiyey.

Holacii ka baxayey Gawaarida Dabka la qabadsiiyey iyo dhawaqii Xabadii lagu dilay Darawalka ayaa waxaa ka war helay Ciidamada Dowladda federaalka ee marayey wadadii laga soo leexiyey Gawaarida dhuxusha sida.

Kooxda Al shabaabka ah ayaa waxaa la sheegay in ay ka war heleen in Ciidan uu ku soo wajahan yahay waxaana dhacday in ay ka cararaan ninkii ay dileen ma,ahane Darawaliintii iyo Kirishbooyadii oo sidoodii u jeebaysan waxaana markii dambe halkaas gaaray Ciidankii arrinkaas ku baxay.

Ciidanka Milatariga ayaa markii dambe soo qaaday maydka Darawalkii ay dileen Al shabaab iyo labadii Gaari ee ka haray labadii Dabka la qabadsiiyey iyagoo raggiina Xarkaha ka soo furfuray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version