Wararka Soomaalida

Al shabaab oo duqeyn looga dilay in ka badan 20 xubnood

War maanta ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Africa ee Africom iyo Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn xalay ka dhacday Deegaanka Luuq-Jeelow oo dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan una jira Masaafo dhan 22 KM lagu dilay 24 Al shabaab ka yirsanaa. Luuq-Jeelow ee xalay duqeyntaas […]

Published

on

War maanta ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Africa ee Africom iyo Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn xalay ka dhacday Deegaanka Luuq-Jeelow oo dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan una jira Masaafo dhan 22 KM lagu dilay 24 Al shabaab ka yirsanaa.

Luuq-Jeelow ee xalay duqeyntaas laga fuliyey ayaa waxay xero Ciidan u,ahayd Kooxda Maleeshiyada Al shabaab sida Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho ay u sheegeen qaar ka mid ah shacabka deegaankaasi ku nool.

Warkan ka soo baxay Mareykanka iyo sidoo kale kuwa Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lugu xusay in 24 Al shabaabka ah ee duqeynta lagu dilay qaarkood ay ahaayeen Saraakiil ama sida Al shabaabku ay u dhigaan warka,rago Amiiro ah in kastoo Saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Soomaalida aaney xusin Magacyada Saraakiisha Al shabaab ee duqeyntaas lagu dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version