Wararka Soomaalida

Al shabaab oo Gudoomiye cusub umagacaabay Gobolka Banaadir

Kooxda Al shabaab ayaa Gudoomiye cusub umagacaabay Gobolka Banaadir ka dib kulan ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya Todobaadkan gudihiisa sida ay sheegayso xog la helay. Xogtan oo laga helay shacabka ku nool Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaysa in Al shabaab Gobolka Banaadir usoo […]

Published

on

Kooxda Al shabaab ayaa Gudoomiye cusub umagacaabay Gobolka Banaadir ka dib kulan ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya Todobaadkan gudihiisa sida ay sheegayso xog la helay.

Xogtan oo laga helay shacabka ku nool Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaysa in Al shabaab Gobolka Banaadir usoo magacaabeen shaqsi magaciisa lagu sheegay Daahir Macalin Salaad.

Daahir Macalin Salaad ayaa la sheegay in muddo dheer uu ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee kooxda Al shabaab iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Daahir Macalin Salaad uu madax ka ahaa muddo sanado ah koox dhalinyaro ah oo Al shabaabka uqaabilsan dilalka qorsgaysan ka fuliya Magaalada Muqdisho sida warkan laga soo xigtay shacabka ku nool deegaanada kooxdaas maamusho.

Xilkaan loo magacaabay sarkaalkan lagu magacaabo Daahir Macalin Salaad ayaa ahaa mid muddo dheer banaanaa kadib markii Maraykanka duqeyn ay ku dileen Gudoomiyihii Al shabaab uqaabilsanaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen Kooxdaas dhaxdeedana loogu yeeri jiray magaca (Cali Jabal).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version