Wararka Soomaalida
Al shabaab oo ku faanay Doontii ku degtay xeebta marka in iyagu ay weerareen
Al-Shabaab ayaa war ka soo saaray Doontii xalay ku dagtay xeebta magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose taasoo ay la socdeen ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ee Ciidanka xoogga dalka iyadoo Ciidankaas badankood badda laga soo badbaadiyay balse afar ka mid ah weli la’yahay sida wararka ay sheegayaan.
Al-Shabaab ayaa sheegay in iyagu ay ku qaadeen weerar badgal ah kadib markii ay ka war heleen in doontaas ay ka soo baxday magaalada Muqdisho kuna jeedo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.
“Xarakada ayaa weerar badda gunteeda ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan DF xilli ay doon ku safrayeen waxaa noo suurta gashay in baasuukayaal aan lahelno doonta taasoo sababtay in ay rogmato” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab.
Wararka ayaa wuxuu intaas ku daraya in Doontan degtay lagu weeraray inta u dhaxaysa deegaanka Jaziira iyo magaalada Marka.
Doonta oo dagtay saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa la sheegay in laga badbaadiyay ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October iyo taliya militeriga Soomaaliya ee aaga degmada Marka.
Ilaa afar askari oo ka tirsanaa ciidamada ay la degtay doonta, 20 qori oo AK 47 ah labo BKM (Dabajeex) iyo doontii ayaa lagu waayay badda mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/Hoose iyo saraakiisha ciidanka oo ku aadan in meel lagu sheego labadaas askari nolol iyo geeri toona.