Wararka Soomaalida

Al shabaab oo shuruud lacageed ku xiray sii daynta Dhaqaatiirta Cuba

Kooxda Al shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa bishii April Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bare ka soo afduubtay Labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka dib markii weerar ay ku qaadeen gaari ay wateen labadan Dhaqtar ka dibna dilay askari ilaalo u ahaa dhaqaatiirta Cuba. Afduubka Al shabaab ee Dhaqaatiirta Cuba ayaa waxay […]

Published

on

Kooxda Al shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa bishii April Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bare ka soo afduubtay Labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka dib markii weerar ay ku qaadeen gaari ay wateen labadan Dhaqtar ka dibna dilay askari ilaalo u ahaa dhaqaatiirta Cuba.

Afduubka Al shabaab ee Dhaqaatiirta Cuba ayaa waxay la soo aadeen dhinaca Gobolka Gedo ee Soomaaliya iyadoo inbadan nolosha dhaqaatiirtaas warar kala duwan ay ka soo baxayeen nolol iyo geeri tan iyo markii Al shabaab afduubteen.

Haddaba Odayaal Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in loo diray Al shabaab inay kala xaajoodaan sii daynta labada Dhaqtar ee udhashay dalka Cuba iyadoo Odayaashan ka kala tagay Magaalooyinka Mandheera iyo Beledxaawo ee Waqooyi Bare iyo Gedo.

Wararku wuxuu sheegayaa in Odayaashan ay utageen Al shabaab ka dibna kala soo xaajoodeen sidii loo sii dayn lahaa Dhaqaatiirta ka dib markii Odayaasha usuurta gashay inay tagaan deegaanka Al shabaab ay ku haystaan Labadaas dhaqtar.

Odayaasha iyo Saraakiisha Al shabaab ayaa maalmo ka doodayey sii daynta Dhaqaatiirtan Cuba-ka ah inkastoo aaney dhaqangelin dalabka Odayaasha.

Sida maanta uu daabacay Wargayska Daily Nation Saraakiisha Al shabaab ayaa Odayaasha usheegay inay doonayaan lacag madax furasho ah haddii la rabo in la sii daayo Dhaqaatiirta Cuba.

Odayaasha oo waxbadan isku dayey inay ka soo daayaan Al shabaab Dhaqaatiirta ayaa usuurta gelin iyadoo loo sheegay inay doonayaan Al shabaab lacag dhan 150 Million oo shilinka Kenya ah oo udhiganta 5 Million oo Dollar.

Dhaqaatiirta Cuba ayaa Odayaasha loo geeyey halka Al shabaab ku haystaan waxaana la tusay oo Odayaasha indhahooda ku soo arkeen Labada Dhaqtar ee kala ah Dr Assel Herera Corea oo qaabilsan Cudurada guud iyo Dr Landy Rodriguez oo qaabilsan Qaliinka inay Caafimaad qabaan.

Odayaasha ayaa xaqiijiyey in Labadaas dhaqtar Caafimaadkooda uu wanaagsan yahay wax dhib ah oo haystana jirin markii laga reebo afduubka loo haysto iyo xoriyad la,aanta haysata dhaqaatiirta.

Odayaashan wada xaajoodka loogu diray Al shabaab iyo inay ka soo dayaan Dhaqaatiirtaas ayaa sheegay in Dhaqaatiirtan lagu hayo deegaan udhow Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Dr Assel Herera Corea iyo Dr Landy Rodriguez ee udhashay dalka Cuba ayaa Al shabaab waxay soo afduubteen 12 bishii April ee sanadkan iyadoo dhaqaatiirtan howlo caafimaad ka fulinayey deegaanada Soomaalida degan tahay ee waqooyi Beri.

Dowladda Kenya ayaa Odayashaashan udiray Al shabaab bal inay soo ogaadaan nolosha dhaqaatiirta iyo waxa ay doonayaan Al shabaab ee u,afduubteen una haystaan ilaa hadda dhaqaatiirta.

Odayaashii Al shabaabka u,aaday wada xaajoodka ee dhaqaatiirta Cuba ee la soo kulmay Saraakiisha Al shabaab sidoo kale soo xaqiijiyey nolosha dhaqaatiirta Cuba ayaa ku kala laabtay Mandheera iyo Beledxaawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version