Wararka Soomaalida

Al shabaab oo soo bandhigay Sawirada weerarkii saaka ay ku qaadeen Xerada Baar-Sanguuni

Koox ka tirsan Al shabaab ayaa Saaka waabarigii weerar ismiidaamin Gaari ay u adeegsadeen ku qaaday xerada Ciidanka ee ku taala duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose loona yaqaano Baar-Sanguuni. Weerarkaas Al shabaabka ay ku qaadeen xerada Baar-Sanguuni ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka […]

Published

on

Koox ka tirsan Al shabaab ayaa Saaka waabarigii weerar ismiidaamin Gaari ay u adeegsadeen ku qaaday xerada Ciidanka ee ku taala duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose loona yaqaano Baar-Sanguuni.

Weerarkaas Al shabaabka ay ku qaadeen xerada Baar-Sanguuni ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka soogaaray Ciidanka Dowladda federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee xeradaas degan.

Muuqaal Video ah iyo Sawiro iskuuga jiraan oo ay soo galiyeen Al shabaab Baraha Bulshada ay ku wada hadlaan ayaa muujinaya Kooxda Al shabaab oo Gudaha ugalay Xerada iyo Saanad Ciidan oo ay gacanta ku dhigeen Al shabaab xili Saldhiga uu gubanayey.

War qoraal ah oo ka soo baxay caawa fiidkii Al shabaab ayaa waxay ku sheegeen in Gaari nooca Dagaalka ah iyo Saanad Ciidanba ay ka soo qaateen Xerada Baar-Sanguuni.

Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkii maanta ay ku dileen 41 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ee Baar-Sanguuni ku sugnaa iyagoo intaas ku daray  Warka Al shabaab ka soo baxay in ay Gaari Cabdi Bile ah oo uu saaran yahay Qori dhashiike ah ku qabsadeen weerarkaas.

Dhinaca kale warkan Al shabaab Caawa ka soo baxay ee iskuuga jira Video-ga,Sawirada iyo qoraalka Gudiga sheegashada ah ayaa waxaa ka hadlay oo waliba Shaki weyn galiyey dhab ahaanshaha Warkan Muuqaalka iyo Sawirada iskuuga jira Saraakiil milateri oo ku sugan Jubbooyinka waxayna sheegeen Sarkiisha in waxaan ay dhici karto in ay yihiin sawiradii iyo Muuqaalkii hore ee Al shabaab weerarkii sanadkii hore ay sidaan oo kale uga soo qaadeen oo hadda ay ka dhigayaan wax dhacay in ay yihiin.

Taliyeyaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa iyana saaka sheegay in,in ka badan 60 ka tirsan Al Shabaab lagu dilay duqeyn lagula beegsaday inta u dhaxeysa Baar-Sanguuni iyo Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Al-shabaab ee duqeynta lagu dilay ayaa qeyb ka ahaa xoogag badan oo saaka waabarigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin xerada Baar-Sanguuni oo qiyaastii 35KM dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version