Wararka Soomaalida

Al shabaab oo war ka soo saaray Qaraxii Tiyaatarka Qaranka

Kooxda Al shabaab ayaa caawa war ka soo saaray qaraxii maanta ka dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaas oo dhacay barqadii maanta ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka xili halkaas ay ka socotay howsha dib udayactirka xaruntaas. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarax lagu soo raray ayaa […]

Published

on

Kooxda Al shabaab ayaa caawa war ka soo saaray qaraxii maanta ka dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo dhacay barqadii maanta ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka xili halkaas ay ka socotay howsha dib udayactirka xaruntaas.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarax lagu soo raray ayaa waxaa uu sababay dhimashada 3 qof halka dhaawacana la sheegay in uu gaarayo 9 ruux.

Dhamaan dadka ku dhinta Dhacdadaas iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay yihiin shacab wadada isticmaalayey.

Saraakiisha Kooxda Al shabaab oo lahadlay idaacad ku hadashay Afkooda ayaa sheegay in iyagu ay ka dambeeyaan Qaraxa ayna ku dileen Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Al shabaab ayaa intaas ku daray warkooda in Qaraxa ay ka fuliyeen goob Ciidanka dowladda ay ku baaraan gaadiidka una dhaw Madaxtooyada Soomaaliya askar badana ay ku dileen qaraxaasi sida uu sheegay Sarkaal ka mid ah Maleeshiyada Al shabaab.

Qaraxii barqadii maanta ka dhacay meel aan ka fogayn Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa wali wax war ah oo ku saabsan qaraxaas ka soo bixin Madaxda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version