Wararka Soomaalida

Al shabaab oo weeraray Cabdalle Biroole iyo Yoontooy

Wararka ka imaanaya deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo xarun weyna u ah Ciidamada Kenya ayaa sheegaya in Caawa Maqribkii xiligii Afarka kooxda Al shabaab madaafiic ay ku weerareen xaruntaas. Warku wuxuu intaas ku darayaa in weerarka Madaafiicda ah ka dib xigtay Rasaas toos ah oo Al shsbaabku ku qaadeen Xerada Ciidamada Kenya ku […]

Published

on

Wararka ka imaanaya deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo xarun weyna u ah Ciidamada Kenya ayaa sheegaya in Caawa Maqribkii xiligii Afarka kooxda Al shabaab madaafiic ay ku weerareen xaruntaas.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in weerarka Madaafiicda ah ka dib xigtay Rasaas toos ah oo Al shsbaabku ku qaadeen Xerada Ciidamada Kenya ku leeyihiin Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay iska difaaceen kooxda Al shabaab ee weerarka ku soo qaaday xaalada haddana degan tahay sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo ku sugan dhulka miiga ah ee aan ka fogayn Cabdalla Biroole.

Dhinaca kale isla xiligaas koox kale oo Al shabaab ah ayaa lagu soo waramayaa inay weerar toos ah ku qaadeen Xerada Yoontooy ee ku dhawa Cabdalla Biroole halkaas oo deganyihiin Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa iyna la sheegayaa inay iska difaaceen kooxdan soo weeraratay xaalada Yoontooy hadda wanaagsan tahay kooxdii Al shabaab ee caawa weeraray Cabdalla Biroole iyo Yoontooy ayaa lagu soo waramayaa inay dib ugu laabteen deegaanadii markii hore duulaanka ka soo qaadeen.

War lagu baahiyey barta Al shabaab ay ku leeyihiin internedka ayaa waxaa lagu sheegay weeraradii caawa ka fuliyeen Cabdalla Biroole iyo Yoontooy inay ka gaysteen Ciidmada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland dhimasho iyo dhaawac sida Al shabaab warkooda lagu sheegay.

Majiro ilo ka madax banaan  sheegashada Al shabaab oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii Al shabaab ee Yoontooy iyo Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland iyo taliska Kenya ayaa weli ka hadlin weerarkaas Al shabaab iyo sheegashada khasaaraha Cabdalla Biroole iyo Yoontooy.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version