Wararka Soomaalida
Al shabaabkii qabsaday Balcad oo warar ka soo kordhay
Wararka nooga imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Al shabaabkii xalay qabsaday gabi ahaanba degmadaas ay ka huleeleen salaadii subax ama waaberigii saaka. Al shabaab ayaa degmadaasi waxay ku qabsadeen xalay dagaal xooggan oo ay lagaleen Ciidankii dowladda ee ku sugnaa degmada waxaana markii dambe iskiiga baxay Balcad Ciidankii dowladda Soomaaliya […]
Wararka nooga imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Al shabaabkii xalay qabsaday gabi ahaanba degmadaas ay ka huleeleen salaadii subax ama waaberigii saaka.
Al shabaab ayaa degmadaasi waxay ku qabsadeen xalay dagaal xooggan oo ay lagaleen Ciidankii dowladda ee ku sugnaa degmada waxaana markii dambe iskiiga baxay Balcad Ciidankii dowladda Soomaaliya ka dib markii jihooyin kala duwan ay ka soo weerareen Meleeshiyada Al shabaab.
Qabashada Balcad Meleeshiyada Al shabaab ka dib ayaa waxaa ka dhacay degmadaasi duqayn dhinac walbaleh iyadoo duqeyntaas ay fulinayeen Ciidamada Amisom ee xerada ku leh duleedka Balcad sida aan ka soo xiganay shacabkii degmadaas ka barakacay.
Ka hor inta aaney Al shabaab ka hukeelin degmada Balcad ayaa waxaa la sheegay in oodda ay ka qaadeen maxaabiistii ku xirneed Saldhiga Ciidanka degmadaas ka cararay.
Maanta barqadii ayaa waxaa dib ugu laabtay degmada Balcad shacbkii xalay ka cararay rasaasta iyo dagaalkii halkaas ka dhacay iyagoo xalay ku hoyday dhulka miiga ah ee ka duruqsan degmada Balcad.
Wararka aan ka helayno degmada Balcad ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya Wali ku soo laabanin saldhigii xalay dagaalka looga saaray ka dib qabsashadii meleeshiyada Al shabaab.