Wararka Soomaalida
Amar cusub oo lagu soo rogay duulimaadka Kismaayo
Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saaray amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.
Tallaabadan ayaa ah mid u muuqata isku day la doonayo in lagu joojiyo wafuuda kala duwan ee aadeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo horay dowladda Federaalka u shaacisay in aanay aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday Kismaayo.