Wararka Soomaalida
Amiir Al shabaab ah iyo xulafadiisa oo xukuno kala duwan lagu riday
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo maanta ufariisatay dhageysiga dacwadda loo haysto 9-ka mid ah xubno ka tirsan kooxda Al shabaab oo amiirkoodii uu ka mid yahay ayaa maanta qaarna dil toogasho ah lagu xukumay qaarna xabsi daa’in lagu riday.
Xubnahan xukunada kala duwan lagu riday 5-ka mid ah ayaa gacan ku jirin waxaana iyagoo maqanayaal ah lagu kala xukumay xabsi daa’in iyo dil toogasho ah.
Kooxdan Maxkamad ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xukunada kala duwan ku riday ee 9 xubnood ka kooban ayaa waxaa amiir u,ah Maxamed Xaaji Axmed oo kooxda Shabaab loogu yaqaano Ilkacase isla markaana kooxda Al shabaab uqaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada Gobolka Banaadir waxaana lagu xukumay amiirkaas dil toogasho ah.
Xubnahan 9-ka xubnood ka kooban ee maanta xukunada kala duwan lagu riday isla markaana 5 ka mid ah iyagoo maqan la xukumay ayaa qirtay in Muqdisho oo kaliya ay ku dileen 180 ruux oo ka kala tirsan hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Kooxdan Al shabaabka ah ee xukunada kala duwan ku dhacay ayaa waxaa gacanta lagu hayaa 4 ka mid ah iyadoo xubnahan 4 ka kooban mid haweenay tahay waxaana haweenaydaas lagu xukumay xabsi daa’in waxaana lagu magacaabaa Faadumo Xuseen Cali Cadaawe.
Dhamaan xubnahan ka tirsan kooxda Al shabaab ee maanta xukunada kala duwan lagu riday ayaa waxay kala yihiin.
1- Saalim Siciid Maxamed, Maxamed Xaaji Axmed, Axmed Maxamed Haashim oo maxkamadda joogay ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.
2-Sharma’arke Cumar Axmed, Axmed Faarax Iidle, C/Raxmaan Sheekh Cabdullahi, Ramadaan C/Rixiin Mursal oo maxkamadda ka maqan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah
3-Faadumo Xuseen Cali Caddaawe oo maxkamadda joogtay ayaa waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.
4-C/Naasir Axmed C/qaadir oo maxkamadda ka maqan ayaa waxaa isna lagu xukumay Xabsi daa’in.
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa muddooyinkaanba waday dhageysiga dacwadda loo haystay kooxdan ka dibna maanta go’aan ka gaadhay.
Xubnahan lagu xukumay dilka iyo xabsi daa’inka ayaa lagu qabtay howlgalo dhowaan ciidamada Amaanka ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxaana xubnahan qaarkood qirteen in dilal badan ay ka geysteen magaalada Muqdisho kuwaas oo iskuuga jiray shacabka,Ciidamada iyo xubnaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda federaalka Soomaaliya.