Wararka Soomaalida

AMISOM oo hirshabelle ka bilowday Howlo caafimaad iyo qoraal cusub+sawiro

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala ayaa howlo cusub oo iskuuga jira arrimo caafimaad iyo mid Ciidan qoris ah ka bilaabay Gobolka Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabelle. Qaar ka mid ah Saraakiisha Caafimaadka AMISOM ayaa hadda waxay ku sugan yihiin Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada dhexe waxayna halkaas ka wadaan howlo caafimaad oo ay ku […]

Published

on

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala ayaa howlo cusub oo iskuuga jira arrimo caafimaad iyo mid Ciidan qoris ah ka bilaabay Gobolka Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabelle.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Caafimaadka AMISOM ayaa hadda waxay ku sugan yihiin Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada dhexe waxayna halkaas ka wadaan howlo caafimaad oo ay ku taageerayaan shacabka ku wooda jilicsan.

Dadka ayaa waxay ufidinayaan adeegyo caafimaad sida Haweenka iyo Caruurta sidii awalba looga bartay AMISOM.

Dhinaca kale Saraakiisha AMISOM ayaa waxay halkaas ka wadaan iyaga iyo koox dhalinyaro Soomaali ah qorista Ciidan Booliis ah oo Maamulka Hirshabelle ah waxaana tirada guud ee hadda qorsha ah uu yahay 200 oo askari oo booliis ah.

Dadka howlahan ku jira ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 800 oo qof iyadoo arrimahan ay iska gaashanayaan Maamulka Hirshabelle,AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version