Wararka Soomaalida

Amisom oo ka hadashay Ciidan dhawaan tababar loo soo xiray

Ku xigeenka Madaxa Amisom Ambassador Madeira oo bartiisa Twitter ka soo dhigay qoraal uu kaga hadlayey Ciidan booliis Soomaali ah oo dhawaan Muqdisho loogu soo xiray tababar u socday muddo ayaa waxaa marka hore udiray Ciidankaas hablayo iyo bogaadin. Ambassador Madeira ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya Amisom ay ku taageerayaan wax allaale wixii […]

Published

on

Ku xigeenka Madaxa Amisom Ambassador Madeira oo bartiisa Twitter ka soo dhigay qoraal uu kaga hadlayey Ciidan booliis Soomaali ah oo dhawaan Muqdisho loogu soo xiray tababar u socday muddo ayaa waxaa marka hore udiray Ciidankaas hablayo iyo bogaadin.

Ambassador Madeira ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya Amisom ay ku taageerayaan wax allaale wixii karaankooda ah ee ku saabsan tababarka Ciidanka Soomaaliya si ay u hantaan amaanka guud ee dalka Soomaaliya sidoo kale ay la wareegaan Ciidamada Soomaaliya shaqqda ay hayaan Ciidamada Amisom oo dhawaan bilaabanaya in ay ka baxaan Soomaaliya.

Sargalkan ayaa sidoo kale sheegay in Ciidankan Booliska ah ay yihiin dhalinyaro firfircoon uuna aaminsan yahay in xaalada amaan ee Soomaaliya wax weyn ka bedeli doonaan isla markaana Ciidankan qaar ka mid ah lagu wareejin doono deegaanada ay ka soo baxayaan Ciidamada Amisom gaar ahaan deegaanada Maamulka Hirshabelle.

“Waxaan u hambalyeynayaa askarta bilayska ee todobaadkan ku biiray ciidamada booliska Soomaaliya isla markaana qaar kood lagayn doono deegaanada Hirshabelle,AMISOM waxay sii wadaa in ay la shaqeyso xukuumadda Soomaaliya iyo wada-hawlgalayaasha kale si ay u tababaraan Ciidanka Soomaaliya iyo wiixii dheeraad ah, iyagoo taageeraya Qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya anagoo rajao weyn ka qabno in aan aragno ciidan Soomaali ah oo ka shaqaynaya sugida iyo xoojinta mas, uuliyadda amaan ee Soomaaliya, muujinayana  mas’uuliyadaha ammaanka goobaha ay faaruqin doonaan AMISOM”ayuu yiri Ambassador Madeira.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version