Wararka Soomaalida
Amnesty oo codsi iyo cambaaraynba ujeedisay Soomaaliland
Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa Maamulka Soomaliland ugu baaqday in ay shuruud la’aan ku sii dayso mas,uuliyiin Maamulkaas xabsiga ugu jira iyo wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon,Jamaal Cabdi Muxumed oo ahaa afhayeenkii Wasaaradda arimaha Gudaha maamulka Soomaliland iyo Maxamed Sidiiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani. Ha’adda Amnesty international ayaa waxay sheegtay […]
Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa Maamulka Soomaliland ugu baaqday in ay shuruud la’aan ku sii dayso mas,uuliyiin Maamulkaas xabsiga ugu jira iyo wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon,Jamaal Cabdi Muxumed oo ahaa afhayeenkii Wasaaradda arimaha Gudaha maamulka Soomaliland iyo Maxamed Sidiiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani.
Ha’adda Amnesty international ayaa waxay sheegtay in dhammaan dadkan lagu haysto aragtiyahooda ay kaga soo horjeedaan Soonaliland.
Dadkan uxiran Maamulka Soomaaliland ayaa waxay hay’adda sheegtay inay xabsiga ku mutaysteen cadaynta fikirkooda ee ay kaga soo horjeedaan iyadoo arintaas Amnesty international ku tilmaamtay caburinta iyo cunsirnimada Madaxda Maamulka Soomaaliland ay ku hayaan shacabka ku nool deegaanada Maamulkaas uu ka aramiyo ay ka mid tahay tallaabooyinkaas islamarkaana ka soo horjeeda xuquuqda aadamaha.