Wararka Soomaalida
Antonio Guterres oo magacaabay wakiil cusub
Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa maanta oo Khamiis ah Geeska Africa u magacaabay wakiilka QM ee Geeska Africa Mr.Patfait Onanga Anyanga oo u dhashay dalka Gabon. Parfait Anyanga ee maanta loo magacaabay wakiilka cusub ee wadamada Geeska Africa ayaa waxaa uu soo qabtay xilal kala duwan sida ku xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee […]
Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa maanta oo Khamiis ah Geeska Africa u magacaabay wakiilka QM ee Geeska Africa Mr.Patfait Onanga Anyanga oo u dhashay dalka Gabon.
Parfait Anyanga ee maanta loo magacaabay wakiilka cusub ee wadamada Geeska Africa ayaa waxaa uu soo qabtay xilal kala duwan sida ku xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee QM ee Afrikada dhexe.
Sidoo kale wuxuu QM mar uqaabilsanaa xiriirka wada hadalada Kooxda Boko Haram iyo dowladda Nigeria waxaa intaas dheer xilal kale oo aad utiro badan in uu soo qabtay Mr.Patfait Onanga Anyanga.
Inkastoo Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada Geeska Africa la,isku yiraahdo haddana qoraalkan kuma xusna Soomaaliya sida dadka qaar ay u qaateen.
Waxaase Antonio Guterres wali laga sugayaa in uu soo magacaabo wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya.