Wararka Soomaalida
Aqoon yahan Yaxye Caamir oo Warbixin ka diyaariyey marxalada Siyaasadeed ee Soomaaliya hadda ay marayso
Warbixintan ee uu diyaariyey Aqoon yahay Yaxye Caamir kana diyaariyey marxalada Siyaasadeed ee Soomaaliya haatan ay marayso ayaa waxaa uu ku tusaaleeyey Sheeko dhexmartay nin iyo Xaaskiisa oo Aroos ahaa. Nin iyo Naag kaligood Guri degan oo Aroos Todobadii ku jiro ayaa Albaabka qof u soo garaacay Xili gabadho Ninkeedu Suulida ama Musqusha uu ku […]
Warbixintan ee uu diyaariyey Aqoon yahay Yaxye Caamir kana diyaariyey marxalada Siyaasadeed ee Soomaaliya haatan ay marayso ayaa waxaa uu ku tusaaleeyey Sheeko dhexmartay nin iyo Xaaskiisa oo Aroos ahaa.
Nin iyo Naag kaligood Guri degan oo Aroos Todobadii ku jiro ayaa Albaabka qof u soo garaacay Xili gabadho Ninkeedu Suulida ama Musqusha uu ku jiray,Naagtii oo Shukumaan yar (Towel) u xiran yahay oo is hilmaantay ayaa iridii ka furtay shaqsigii u soo garaacay kadibna waxay aragtay wiil yar oo Ciyaalka Xaafadda ah oo Albaabka taagan.
Waxayna ku tiri”Maxaad rabtaa wiil yahow yarkii oo aanba Afka kala furin ayaa waxaa uu jeebka ka soo bixiyay 10.000 Dollar waxa uuna ku yiri”10.000 kan Dollar ayaa iga dhimato haddaad Shukumaanka hal mar iska wada qaado.
Gabadhii malaba labaynin Shukumaankii ayey iska wada qaaday oo hoos u sii deeysay Wiilkiina 10.000 Dollar ayuu siiyay kadibna Albaabkii ayey soo Xirtay Ninkeedii oo Musqusha ka soo baxay ayaa ku yiri” Xaaskiisa waa kuma qofka Albaabka nagu soo garaacay Waxay ku tiri,Wiil xun oo Ciyaalka Xaafadda ah ayuu ahaa waana iska Tegay.
Ninkeedii ayaa ku yiri,Anniga ayaa la balansanaa maalin dhaweyd ayaa Aabihiis 10.000 Dollar iga Deeynsaday Subaxaan ayuuna i soo wacay iguna yiri,Wiilkeyga ayaan Lacagtii kuugu soo dhiibayaa.
Xaaskiibaa intay Naxtin la jaraysay Ku jawaabtay Gacaliye wiilkii Lacagtii waa iigu kaa dhiibay ee waatanaa hoo,Wasiir ayaa yiri Heyad Caalamiya ayaa igu tiri Haddaad Siyaasadiina Qaawisaan Deynta waan idinka Cafineynaa Amaah cusubna waan idin siinayaa Siyaasaddii ayuu Qaawiyey kadibna Wixii ku dhacay ha i warsan ayuu ku soo gaba gabeeyey Qormadiisii.
Qore: Yaxya Caamir