Wararka Soomaalida

Ardaydii laga joojiyey imtixaanka oo dibad baxsameeyey iyo wasiir Goodax oo ka hadlay+sawiro

Maanta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dibadbax baraan oo ay dhigayeen ardaydii gelayey Imtixaanka sanad dugsiyeedka sanadka 2018 iyo 2019 ee ka furmay Magaalada Muqdisho 11 bishan May ee 2019ka. Ardayda ayaa ka gadooday amarkii xalay ka soo baxay wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre. Dibad baxayaasha ardayda ah […]

Published

on

Maanta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dibadbax baraan oo ay dhigayeen ardaydii gelayey Imtixaanka sanad dugsiyeedka sanadka 2018 iyo 2019 ee ka furmay Magaalada Muqdisho 11 bishan May ee 2019ka.

Ardayda ayaa ka gadooday amarkii xalay ka soo baxay wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre.

Dibad baxayaasha ardayda ah ayaa laamiyada ku gubayey Taayerada iyagoo jajabiyey dhirtii lagu beeray hareeraha wadooyinka Muqdisho.

Wasiirka waxbarashada ayaa haddaba baaqan soo saaray wax yar ka dib dibadbaxaas ardayda.

“Waxaan halkan baaq uga diraya ardayda ee soomaliyeed ee banaanbaxa rabshadaha wata ka wada magaalada muqdisho xaq ayaad uleedihiin inaad banaanbaxdaan balse marnaba dawladu raali kama ahaaneyso in shaqsiyaad shaati kale wata ay ka faaidaystaan ardayda masaakinta ee dareenkooda muujinaya wax walba amniga ayaa ka muhiimsan waad ujeedan jawaabta ay ka bixiyeen qolyaha nabad diidka ah oo marwalba ka faaidaysta fursadaha noocan oo kale ah dawlada soomaliya waxay diyaar u tahay inay wax kaqabato cabashada ardayda marnaba xaq maaha arday juhdi iyo dadaal badan bixiyey iyo mid qish soo helay inay imtixaan soo wada fariistaan waana sababta nagu kaliftay inaa go,aan noocas ah soo saarna waxaan mar kowaad iyo marlabaad idinku xoojinaya inaad nabada ilaalisan guryihiinana kulabataan dawladuna waxay diyaar utahay inay soo saari doonto go,aan idin farxad geliya wabilaaahi tawfiiq”

Amarkii lagu joojiyey Imtixaankii shahaadiga ee Dugsiyada sare ayaa waxaa loo balamay in lageli doono 27 ilaa 31 bishan May ee sanadkan 2019ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version