Wararka Soomaalida

Arin dhif iyo naadir ah oo ka dhacday Hindiya

Published

on

Haweenaydan 74 sano jirka ah oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati ayaa labadan canug ee mataanada ah ku dhashay Isbitaal ku yaala Gobolka ku yaala Koonfurta Hindiya ee Andhra Pradesh ee dalka Hindiya.

Dalka Hindiya ayaa maannta waxaa ka dhacday arin dhif iyo naadir ah ka dib markii Haweenay udhalatay dalkaas oo 74 sano jir ah ay dhashay labo canug oo mataano ah.

Haweenaydan oo dhashay labadaas canug ee mataanada ah ayaa ilaahay siiyay labo gabdhood, dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka ay ku umushay Haweenaydaas ayaa sheegay in iyada iyo labadeeda gabdhoodba ay caafimaad qabaan.

Haweenaydan ku curtay labada gabdhood ee mataanada ah ayaa doob ahayd 56 sanadood sida lagu sheegay warbixin laga diyaariyay haatana iyadoo da,ah ayaa ilaahay siiyay halmar labo canug.

Mangayamma Yaramati oo la hadashay Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in iyada iyo Saygeeda oo 82 jir ah muddo dheer ay ahaayeen ilma la,aan balse hadda ay haleen caruur ka dib markii daweyn lagu sameeyay muddo hadda laga joogo labo sano.

Sayga Mangayamma Yaramati oo asna hadlay ayaa sheegay in Xaaskiisa labo sano ka hor dawyn lagu sameeyay Ukxanteeda ka dibna bilowgii sanadkan ay qaaday Urrkeedii ugu horeeyay haatana ay heleen labo gabdhood qadarta Alle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version