Wararka Soomaalida

Arin layaab leh oo ka dhacday Magaalada Hargaysa+sawiro

Ciidanka dab demiska Maamulka Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu wargeliyay samatabixinta ilmo yar oo lagu riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan gaarayey10 Miter kuna taala Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax. Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleysteen inay ka soo saaraan suuliga […]

Published

on

Ciidanka dab demiska Maamulka Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu wargeliyay samatabixinta ilmo yar oo lagu riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan gaarayey10 Miter kuna taala Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax.

Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleysteen inay ka soo saaraan suuliga iyadoonciidanka adeegsanayey xarkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray ilmahaasi oo nool Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay.

Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Mas,uuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka Magaalada Hargaysa ayaa hawlgalkaas hogaaminayey sidoo kale waxaa halkaas goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

ilmaha yar ee lagu roday Suulida ayaa waxaa la sheegay inay ku riday Hooyadii dhashay iyadoo warar la,isla dhaxmarayo ay sheegayaan in ilmaha yar meher la,aan ku dhashay haweenayda dhashay iyadoo ceeb iyo fadeexad kacarar ah danta biday inay ubadkeedii ku rido suulida.

Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaadkiis uu taam yahay.

Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version