Wararka Soomaalida

Askari ka mid ahaa Xoogga dalka oo qiiray qoraal qiiro leh

Published

on

Askarigan oo lagu magacaabo Axmed Saleebaan kana tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in shaqadii Ciidan ee dalka u hayay sababo jira awgeed uu uga tagay wuxuuna aaday degmada Eyl ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Askarigan ayaa wuxuu diyaariyay qormadan oo uu ku faafaahiyay sababta ku xambaartay inuu ka tanaasulo shaqadii Ciidanimo ee dhowr iyo 10-kii sano ee la soo dhaafay uu ku jiray.

Dhowr iyo 10 sano ayaan ahaa Askari difaac u ah jiritaanka Dawladda federalka ee maanta shaqeysa, maalintii u horeysay ee aan Xamar tagnay aniga & askartii aan wada soconay ee ka timid Puntland& Beydhaba waxaa naloo aqoonsaday, murtadiin uu dhiigoodu xalaal yahay, iyo dad qabiil ula socda aun c/laahi yusuf, duulaana ku ah qabaa’ilka muqdisho & koonfurta degen, waxaa nala kala hor yimid dagaalo joogto ahaa oo dad badani ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen, dani waxay na biday inaan kooxo kooxo u socono, habeen iyo maalina aan tuutaha iyo qoryaha ku taagnaano, xaafaduhu biyo nama siin jirin, makhaayadahana inaan wax ka cuno lafaheena ayaan uga cabsan jirey, in nala ku so weeraro ama cuntadaba wax naloo ku daro, c/laahi markii uu tagay waxaan la shaqeynay Sheekh shariif, xasan Sheekh iyo Farmaajo oo hadda jooga, taasina waxay cadeyn u tahay inaanan,c/laahi ula socon qabiil ama dan kaloo gaar ah, balse qadiyadeenu ay ahayd inaan u shaqeyno Dawladnimo iyo qaranimo cid walboo Soomaaliyeed ay u siman tahay.

Mar waliba waxaan ahayn dad utaagnaa waajibaadka saaran iyo shaqada askarinimo ee loo diro, 2 jeer ayuu dhaawac iga soo gaaray hawlaha aan qaranka u hayey.

Xilligii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif waxaa xeryaha Ciidamada iyo xafiisyada dawladda soo buux dhaafiyey ragii murtadiinta iyo qabiilka noo aqoonsanaa ee safka hore uga jirey dagaalkii looga soo horjeeday dawladda.

Aniga iyo ragii aan isku loodka ahayn waxaa maanta naga darajo sarreeya, nagana mushahar fiican ragii shalay na dhaawacay ee aan ka difaacanay jiritaanka Dawladnimadaan,waxaa naga darajo sarreeya, wiilal shalay yimid oo daraad markaan halganka ku jirney mooryaan beeleed ama qaadicu dariiq ahaa, waxaana dibadaha loogu qaaday tababaro ay dunidu bixisay, badankood masoo noqon oo horay bay usii tahriibeen.

kuwa soo noqdayna waa taliyeyaasha na amra, waxay musuqaan oo isbaaro u dhigtaan xoogaaga yarka ah ee gunada & mushaharka aan xaqqa u lahayn, iyaga oo shalay yimid waxay leeyihiin gawaari, guryo iyo istaaf.

Halka anaguna aan taaganahay waardiyihii aan dhowr iyo 10 sano kahor taagneyn, marxuum gurxan, muuf, cabdi dheere iyo rag badan oon wada soconay midiba maalin buu wuxuu ku dhintay weerar lagu soo qaaday halkii uu waardiyaha ka ahaa, in badan ayaan dulqaad & sabar u lahayn eex & cadaalad xumo baaxad wayn oo askarta ka dhex jirta cid dan iyo muraad kalehna aysan jirin, ugu danbeynse waxaan go’aansaday inan dib ugu laabto degmada Eyl oo aan dhowr & 10 sano moogana.

Cafis & musaamax dhamaan intii xaqeygii cuntay, intii eex iyo cadaalad darro ku dhaqaaqday, kuwii murtad & qabiili igu sheegay oo sidaas dhiigeygii ku baneeystay.

Asc wrb.

Axmed Saleebaan.

Trending

Exit mobile version