Wararka Soomaalida

Askari diiday lacag laaluush ah oo la abaalmariyay

Published

on

Magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Ethoipia munaasabad dhowaan ka dhacday ayaa waxaa lagu Abaalmariyay askari ka mid ah Ciidanka dalka Ethoipia ka dib markii iska diiday inuu qaato Lacag laaluush ah oo loo keenay laguna wargeliyay inuu qaato wuxuuse go,aan ku qaatay inuusan qaadan laaluush nooca rababa ha,ahaadee.

Askarigan diiday inuu qaato lacagta laaluushka ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Siraaji Cabdalla wuxuuna ka tirsan yahay Ciidanka Booliska Gobolka Canfrta xili uu ku jiray howshiisa shaqo waxaa uyimid koox dhalinyaro iyo rag waaweyn iskuugu jiray waxayna u sheegewn inuu qaato lacag laaluush si uu ugu fudadeeyo alaab ay wateen ka dibna uu ka diiday sida uu sheegay Siraaji Cabdalla ee ka tirsan Ciidanka Booliska maamulka Gobolka Canfarta ee ka tirsan dhulka Ethoipia islamarkaana ku yaala xadka ay wadaagaan labada dowladood Ethoipia iyo DJabuuti.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethoipia Abiy Axmed ayaa askari Siraaji gudoonsiiyay abaalmarin qaali ah iyo Shahaado sharaf ka dib munaasabadii ka dhacday dhowaan Addis Ababa ka hor inta uusan usafrin shirka Golaha amaanka ee QM ee ka furmay Magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Sababta askarigan lagu magacaabo Siraaji Cabdalla loo siin lahaa laaluushka lacageed ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda laaluushi lahayd ay doonayeen in dalka Ethoipia geliyaan Hub sharcidaro ah sidaas awgeed askarigan uu fashiliyay.

Abiy Axmed ayaa Siraaji Cabdalla ku tilmaamay askari geesi ah daacadna u,ah dalkiisa iyo dadkiisa sidoo kale dalka ka badbaadiyay qatar weyn oo la doonayay in la soo geliyo ka dib markii uu muujiyay geesinimo iyo wadaniyad ku dhisan dal iyo dad jacayl dowladana ku abaalmarisay abaalmarin uu ku farxo oo u qalanta dadaalkiisa wadaniyadeed ee uu muujiyay.

Inkastoo askarigan diiday inuu qaato lacagta laaluushka ah si gudaha Ethoipia loogu gudbiyo Hub iyo waxyaabo kale oo sharcidaro ah kuna mutaystay abaalmarin iyo Shahaado sharaf dadaalkiisa awgeed ayaa dhinaca kale munaasabada lagu soo hadal qaadin cadadka ay dhantahay lacagtan lagu laaluushirabay askarigan lagu magacaabo Siraaji Cabdalla.

Gobolka Canfarta oo ah gobol ku yaala xadka kala qaybiya Ethoipia iyo DJabuuti ayaa waxaa uu yahay gobol intabadan Ethoipia laga geliyo waxyaabaha sharcidarada ah sida munaasabada laga sheegay.

Trending

Exit mobile version