Wararka Soomaalida

Axmed Karaash oo ku guulaystay Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland udoortay Axmed Cilmi Cusmaan(Axmed Karaash) ka dib Tartankii loogalay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ee ka dhacay Howlka Baarlamanka Puntkand sidoo kale ka dib markii la doortay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Maxamed Dani. Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa waxaa uu ka mid ahaa 11 Musharax […]

Published

on

Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland udoortay Axmed Cilmi Cusmaan(Axmed Karaash) ka dib Tartankii loogalay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ee ka dhacay Howlka Baarlamanka Puntkand sidoo kale ka dib markii la doortay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Maxamed Dani.

Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa waxaa uu ka mid ahaa 11 Musharax oo xilkan Madaxweyne ku xigeenka utartamayey,Golaha Baarlamanka Puntland ayaa waxay si taxadir leh ukala saarayeen Musharaxiintaas iyadoo Markii dambe ay isku soo hareen Axmed Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame.

Waxaana Wareegii seddaxaad oo ugu dambeeyey ay kala haleen Musharaxiintan Axmed Karaash oo helay 47 Cod halka asna uu helay Cabdi Ibraahim Warsame 19 Cod waxaana sidaas Madaxweyne ku xigeenka Puntland ugu guulaystay Axmed Cilmi Cusmaan Axmed Karaash oo dhoor jeer Wasiir ka soo noqday Maamulka Puntland.

Waxaa Axmed Cilmi Cusmaan (Axmed Karaash) isla markiiba loo dhaariyey xilkan uu ku guulaystay.

Waxaa halkaas ku soo idlaaday isjii-jiidkii Siyaasadeed ee udhexeeyey Siyaasiyiinta Puntland dhex dooda iyo tii qalifsaneed ee ka dhex taagneed Cabdiwali Gaas iyo Madaxda federaalka Soomaaliya.

Warar uu si hoose uhelay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in isbedelka maanta ku yimid hogaanka Puntland ay sabab u,ahayd Madaxda federaalka Soomaaliya sida aan ku ogaanay xog uruurin arrinta Doorashada Puntland ah ku samaynay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version