Wararka Soomaalida
Axmed Madoobe oo cunaqabatayn horleh la saaray
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sii labajibartay cunaqabataynta saaran maamulka Jubbaland ka dib markii Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe uu diiday in doorashadii ka dhacday Kismaayo wax door iyo talo ah ay ku yeelato dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo Axmed Madoobe Kenya taageero xoog leh ka helay iyadoo Kenya danaheeda siyaasadeed ka fushanaysa.
Horay maamulkaas waxay dowladda dhexe usaartay xanibaad dhanka duulimaadka ah diyaaradaha ka duulaya Kismaayo iyo kuwa aadaba meelkastaba hakayimaadaane in marka hore ay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
iyadoo xayiraadaas ay la daaladhacayan maamulka Jubbaland ayaa hadda waxaa loogu daray 4 qodob oo cusub kuwaa soo kala ah.
1-in gabi ahaanba lajoojiyay wixii lacag ahaa ee Maamulkaas loo soo marsiinjiray dowladda dhexe in hadda dowladda ka joojisay maamulka Jubbaland ilaa amar dambe.
2-in xiriirkii Golaha wasiirada maamulkaas ay lalahaayeen Golaha wasiirada Xuluumadda Soomaaliya gabi ajaanba la joojiyay ilaa xal uu ka yimaado Axmed Madoobe.
3-wax allaale wixii tababar,taakulayn iyo ka warqab ah ee Ciidanka Jubbaland ee aan hoos imaanin dowladda federaalka la hakiyay intii xal laga gaarayo.
4-iyo wixii mashaariic ahaa ee maamulkaas horay loo siiyay iyo kuwo kale oo cusub ee hadda lagu howlanaa gabigoodba laga joojiyay maamulka Jubbaland.
Qodoban cuaub ee cunaqabataynta ah ayaa waxaa lagu go,aamiyay shirkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya maalintii khamiista ee todobaadkii hore.
Xogtan ayaa waxaa Wargayska Tusmotimes la wadaagay mid ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya ee sida dhaw ulasocda go,aamada ay soo saaraan Golaha Xukuumadda Soomaaliya.
Doorashoonkii 15 kii August ka dhacday magaalada Kismaayo ee ay isku doorteen ilaa 7 Siyaasi oo uu kujiro Axmed Madoobe ayaa waxaa qaadhacay dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka wayna ku tilmaameen doorashooyinkaas shakhsiyaad isdoortay wax madaxweyne sharci ah oo ay aqoonsan yihiin oo kajira maamulka Jubbaland aaney jirin waxayna ku taliyeen in doorasho xor iyo xalaal ah dib loo qabto.