Wararka Soomaalida
Axmed Madoobe oo eedo loo jeediyay
Madaxweynaha muddo xilhayntiisa gaba gabada ku dhowdahay ee Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa waxaa lagu eedeeyay in Odayaal been abuur ah uu ka keenay dhulka Soomaalida degan tahay NFD ee Kenya iyadoo muddo 20 maalmood ah uu ku aruurinayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida ay sheegeen qaar ka mid ah Musharaxiinta utaagan […]
Madaxweynaha muddo xilhayntiisa gaba gabada ku dhowdahay ee Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa waxaa lagu eedeeyay in Odayaal been abuur ah uu ka keenay dhulka Soomaalida degan tahay NFD ee Kenya iyadoo muddo 20 maalmood ah uu ku aruurinayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida ay sheegeen qaar ka mid ah Musharaxiinta utaagan qabashada xilka Madaxweyne ee Maamulka Jubbaland ka dib shir maanta ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo Musharaxiintaas.
Eedan ayaa waxaa ujeediyay Axmed Madoobe musharixiin gaaraysa7 Musharax iyagoo ku kala sugan Nairobi iyo Magaalada Kismaayo islamarkaana sheegay in Odayaashaas Axmed Madoobe ka soo aruuriyay Gobolka Waqooyi Bari sida Gaarisa,Wajeer iyo Mandheera.
Odayaasha Axmed Madoobe lagu eedaynayo inuu kala yimid Waqooyi Beri ee NFD Kenya ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay inay gaarayaan ku dhowaad 25 Oday dhaqameed sida ay sheegeen Odayaasha saxda ah ee Gobolada Jubbada hoose,Jubbada dhexe iyo Gedo ee uqaabilsan beelaha Goboladaas degan xagga dhaqanka.
Ujeeda Axmed Madoobe uu ka leeyahay Odayaashaas ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inay soo xulaan xubnaha Baarlamanka cusub kuwaas oo ugu dambayn dooranaya Madaxweynaha ka dibna si ay udoortaan Axmed Madoobe iyagoo matalaya Odayaasha dhaqanka ee saxda ah sida ay ku doodayaan Musharaxiinta Jubbaland.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa dhankooda eed la mid ah midda Musharaxiinta ujeediyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) iyagoo ku eedeeyay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku bedelay booskoodii Oday dhaqan Odayaal uu ka keenay NFD si kursiga ugu soo laabto.
Sikastaba ha,ahaatee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusii qulqulaya Musharaxiin aad ubadan iyagoo hadafkooda uu yahay in meesha ay ka saaraan Madaxweynaha muddada dheer xukumaya Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ka dibna mid iyaga ka mid ah xilkaas uu qabto.
Doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in la qabto ugu dambayn 15 bisha August ee soo socota sida warbaahinta ay u soo bandhigeen Gudiga doorashada Maamulka Jubbaland.