Wararka Soomaalida

Axmed madoobe oo sheegay in weerar lagu soo yahay

Published

on

Axmed Maxamed Axmed Madoobe oo ka mid ah siyaasiyiinta isku doortay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa maanta sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya duulaan ku soo tahay magaalada Kismaayo ka dib markii dowladda dhexe meel walba ka xirtay maamulkiisa.

Axmed madoobe ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka dowladda federaalka Soomaaliya ee duulaanka Kismaayo uu yahay sidii asaga uxiri lahaayeen ka dib markii uu ka diiday inuu ku dhaqmo rabitaankooda.

Waxaa kaloo uu sheegay hogaamiyahan kaligiisa isku doortay Kismaayo wixii dhib ah ee ka dhaca Magaalada Kosmaayo in dusha uridan doonto dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warkan maanta ka soo yeeray Axmed Madoobe ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo doorashooyinkii 25 August ka dhacay magaalada Kismaayo siwadajir ah udiideen dowladda dhexe iyo beesha caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version