Wararka Soomaalida

Axmed madoobe oo ugoodiyay dowladda dhexe

Published

on

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe ayaa maanta Saxaafada la hadlay markii ugu horaysay kadib Doorashadii 22 Ogoosto 2019 ee ka dhacday magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo xariga wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur (Janan) waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020 ee la rajaynayo inay ka dhacaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha ree Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha intii ay socdeen doorashooyinkas isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada magaakada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hadda la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku wax ka badalin wadada ay ku socoto islamarkaana meel xun oo aad u,adag gaari doonto khilafka kala dhexeya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hadaladan adag ee uu jeediyay maanta Axmed Maxamed Axmed Madoobe ayaa waxay ku soo beegaysaa ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka si wadajir ah uwada diideen doorashadii Axmed Madoobe iyo go,doominta dhanka diyaaradaha ee Maamulkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version