Wararka Soomaalida
Baaq deg deg ah oo loo diray dhinacyada ku dagaalamaya Buurhakaba
Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal ka dib markii maamulkii hore laga bedelay Degmada Maamul cusubna loo magacaabay. Dagaalkaas ayaa wuxuu udhexeeyaa Mamaulkii hore iyo Maamulka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay iyadoo saamayn balaaran uu ku yeeshay dagaalkaas shacabka Buurhakaba. Wasiirkii hore Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur […]
Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal ka dib markii maamulkii hore laga bedelay Degmada Maamul cusubna loo magacaabay.
Dagaalkaas ayaa wuxuu udhexeeyaa Mamaulkii hore iyo Maamulka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay iyadoo saamayn balaaran uu ku yeeshay dagaalkaas shacabka Buurhakaba.
Wasiirkii hore Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow ayaa baaq udiray dhinacyada ku dagaalamaya Buurhakaba inay joojiyaan dagaalka si shuruud la,aan ah ismamarkaana si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Degmada Buurhakaba kaasoo salka ku haaya khilaaf ka dhashay Maamul Cusub oo Dhawaan Degmadaas loo Magacaabay.
“Waxaa aad ugu xumahay In uu Dagaal ka qarxo Degmada Buurhakaba iyadoo Meeshaas joogaan Maamulkii Koonfur Galbeed oo Dhameystiran, Odoyaashii iyo Waxgaradkii Degmada Buurhakaba oo ay baajin kareyn Dagaal inuu dhaco.
Waxaa ku baaqayaa In si Deg Deg ah lugu baxo loona joojiyo Dagaalka isla markaasna wixii Khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal ogaada dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho”ayuu yiri wasiirkii hore Saadaad Maxamed Nuur Caliyow.