Wararka Soomaalida
Baarlamanka Carabta oo go,aan deg deg ah ka soo saaray muranka Bada Kenya iyo Soomaaliya
Bayaan maanta kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed oo lama taabtaan ah. Baarlamaanka Carabta ayaa Dowladda Kenya ugu baaqay inay joojiso damaceeda ku aadan inay qaadato dhul biyeed kamid ah Soomaaliya […]
Bayaan maanta kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed oo lama taabtaan ah.
Baarlamaanka Carabta ayaa Dowladda Kenya ugu baaqay inay joojiso damaceeda ku aadan inay qaadato dhul biyeed kamid ah Soomaaliya hamigaasxaaraanta ah iska ilowdo dowladda Kenya.
Baarlamaanka Carabta ayaa dhul badeedka Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay qeyb kamid ah dhul badeedyada Carabta oo aysan suurtagal aheyn in si sharciga baalmarsan oo xaaraan ah loo kala jaro.
Baarlamaanka Carabta ayaa shirkoodii maanta ee Qaahira ka sheegay inaan la aqbali karin sheegashada beenta ah ee Kenya iyo Qariirada cusub oo ay dooneyso inay dajiso taasoo ay ku tilmaameen Baarlamankan wax aan la aqbali karin.
Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso gudaha Soomaaliya taasoo ay ku sheegeen inay ka baxsan tahay madaabi’da daris wanaaga iyo heshiisyada Caalamiga ah.
Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka caawinayaan ilaalinta Midnimadeeda, Amnigeeda Xasiloonideeda,Badbaadada Dhulkeeda, Xoriyadeeda iyo karaamadeeda dhul ahaan, bad ahaan iyo difaaca Cir ahaan intuba.
Warka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli meel xun oo xasaasi ah uu marayo xiisadda u dhaxeysa Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyadoo jawaab laga sugayo dacwadda loo gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.