Wararka Soomaalida
Baarlamanka Puntland oo ka hadlay Xariga gudiga dhismaha Boosaaso
Golaha Baarlamanka maamulka Puntland ayaa maanta si kulul uga hadlay xariga lagula kacay gudiga dhismaha waddada Magaalada Boosaaso ka dib markii lacag uga timid dhinaca dowladda dhexe ee Soomaaliya ay qabteen gudigaas ka dibna ay diideen inay uceliyaan dowladda Soomaaliya ka dib markii amar lagu siiyay inay celiyaan lacagtaas. Qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka […]
Golaha Baarlamanka maamulka Puntland ayaa maanta si kulul uga hadlay xariga lagula kacay gudiga dhismaha waddada Magaalada Boosaaso ka dib markii lacag uga timid dhinaca dowladda dhexe ee Soomaaliya ay qabteen gudigaas ka dibna ay diideen inay uceliyaan dowladda Soomaaliya ka dib markii amar lagu siiyay inay celiyaan lacagtaas.
Qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka maamulka Puntland oo galabta Shirjaraa,id ku qabtay magaalada Garowe ayaa waxay sheegeen in xariga gudiga uu yahay mid sharcidaro ah loona soo marin sida uu qabo sharciga.
Xilshibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax oo ka mid ah xubnaha shirka ku qabtay Garowe ayaa sheegay markii la xiray gudigaas ay utageen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyadoo uu la socday Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Puntland ka dibna ka codsaday Madaxweynaha in la siidaayo gudiga balse uu ku gacanseeray codsigooda xataa uu xishmayn waaye Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Deni
Xildhibaanadan oo si wada jir ah ulahadlay Saxaafadda ayaa sheegay in dadaal ay ku doonayeen in lagu soo daayo gudigan natiijo la,aan ku soo idlaaday ka dib markii warkooda inuu dhageysto oo uu ixtiraamo Xildhibaanada iyo Gudoonkooda uu diiday Madaxweyne Siciid Deni.
Xildhibaanadan ayaa shacabka ku dhaqan Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso usheefay in safo sharci ah aanay ku xirneen gudiga oo iskuuga jira Culimo siweyn loogu ixtiraamo deegaanada Puntaland,Samafalayaal iyo Odayaal dhaqameed intuba waxayna intaas hadalkooda ku dareen in dhamaan Golaha Baarlamanka maamulka Puntland ay ka midaysan yihiin xariga sharcidaradaha ah ee loo gaystay gudigii dhismaha Waddada Boosaaso.
“Waxay wakiil nooga ahaayeen dhismaha waddada Boosaaso oo burbursaneyd waxay iskugu jiraan haldoorkii bulshada sida Culimo, ganacsato iyo waxgarad, waxaa nasiib daro ah in dadkaasi meeshii ay maamulka ka heli lahaayeen xushmad iyo xurmad in lagu abaal dhaco oo ay xabsi ku mutaan waxaad ka war haysiin in mid ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland loogu ixtiraamka badnaa inuu xabsi ugu jiro arintaas awgeed culimada, odayaasha iyo ganacsatada waa dadkii ummada isku hayay mana aheyn maanta inay xabsi galaan iyagoo ka shaqaynaya samafal”ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax.
Waxaa uu sidoo kale xildhibaanku wax lala yaabo ku tilmaamay in arinta ka dhacday Boosaaso mid la mid ah ay ka dhacday Gaalkacyo maamulkuna uusan wax talaabo ka qaadin.
“Arinta ka dhacday Boosaaso ee dadka loo xirxiray maaha wax ugub ah magaalooyin badan oo ka tirsan Puntland ayaa deeq ka helay dowlada Soomaaliyeed oo aanu wax ka dhisanay waxa Xamar yaala wax beynu ku leenahay waa wixii aduunka inooga deeqay ee dowlada Soomaaliyeed inoo haysay Gaalkacyo arin la mid ah tan Boosaaso ayaa ka dhacday Gudoomiyaha gobolka Mudug wuxuu sheegay in soo dhoweyntii Khayre aysan dembi aheyn lacagtii dowladu ku deeqdayna aan celineyn waxaa haddaba isweydiin leh maxaa lacagta Boosaaso loo soo diray dembi ka dhigay oo tan Gaalkacyo xalaaleeyay maadaama ay hal meel ka wada yimaadeenay arintana waxaa ka doodi doona Baarlamanka Puntland ka dubna go’aana ka soo saari doonaan”ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax.
Xariga gudigaas ee ku xiran xabsiga Boosaaso ayaa wuxuu dood ka dhax abuuray Baarlamanka iyo Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.