Wararka Soomaalida
Badi dalka Kenya oo dhul gariir laga dareemey
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Magaalooyin ka mid ah dalkaas caawa laga dareemey dhul Gariir xoogleh sida ay inoo sheegeen Saxafiyiinta Soomaaliya ah iyo kuwa udhashay dalka Kenya ee ka howlgala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dabaq yada dhaa-dhweer ee ku yaala Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa […]
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Magaalooyin ka mid ah dalkaas caawa laga dareemey dhul Gariir xoogleh sida ay inoo sheegeen Saxafiyiinta Soomaaliya ah iyo kuwa udhashay dalka Kenya ee ka howlgala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dabaq yada dhaa-dhweer ee ku yaala Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ruxmayaan dhul Gariirka ka jira dalkaas awgiis.
Waaxda Saadaasha Hawada Kenya ayaa hadda sheegtay in dhul gariirkii caawa 7:22 laga dareemay qeybo ka mid ah Nairobi uu cabiirkiisu uu gaarayo 4.8 oo ah qiyaasta cabbirka richter-ka dhulka.
Meelaha uu kadhacay ayaa waxaa ka mid ah Magaalooyinka Naivasha, Nakuru, Makueni, Mombasa, Kiambu and Nyeri.
Magaalooyinka Kenya ayaa caawa waxaa ka taagan cabsi lagaa qabo in degaanada xeebta uu saameeyo dhul gariirkan laga soo sheegayo dalka Kenya.
Wixii ku soo kordha kala soco Wargayska Tusmotimes insha Allah.