Wararka Soomaalida
Bahda Jaamacadaha Muqdisho oo amar la duldhigay
Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa maanta kulan la qaatay Bahda Jaamacadaha farahabadan ee ku yaala Magaalada Muqdisho. Madaxda Jaamacadaha ku yaala Muqdisho iyo Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay qaabkii wada shaqayn dhab ah u dhexmari la hayd Wasaaradda waxbarashada iyo bahda Jaamacadaha Muqdisho iyadoo arrintana […]
Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa maanta kulan la qaatay Bahda Jaamacadaha farahabadan ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Madaxda Jaamacadaha ku yaala Muqdisho iyo Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay qaabkii wada shaqayn dhab ah u dhexmari la hayd Wasaaradda waxbarashada iyo bahda Jaamacadaha Muqdisho iyadoo arrintana la,isku raacay.
Intaas ka dib Wasiir Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidoo kale madaxda jaamacaddaha amray sidii ay isaga ilaalin lahaayeen in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo.
“Maanta waxaan Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacaddaha ku yaalla gobolka Banaadir,kulankeenna waxaan diirada ku saarnay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda,arrimaha kale ee aan ka wada hadalnay Madaxda aan lakulmay ayaa waxaa ka mid ah sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo”ayuu yiri Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre.
Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogleh ugu jirta qaabkii iskaashi wanaagsan ay ula yeelan lahayd bahda waxbarashada Soomaaliya si xirfado loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la,aanta ku haysata guud ahaan dalka Soomaaliya.