Wararka Soomaalida

Beel ka mid ah beelaha Koonfur Galbeed oo eedaysay Lafta Gareen

Beesha la yiraahdo Carab Soomaali degana Gobolada seddaxda ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Lafta Gareen ku eedeeyey in uu ka qadiyey Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada  Maamulkaas ee la magacaabay kana kooban Wasiiradaas 50 Wasiir, iyagoo ka mid ah Beelaha degan Koonfur Galbeed xaqna uleh in saamigooda ay ka helaan […]

Published

on

Beesha la yiraahdo Carab Soomaali degana Gobolada seddaxda ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Lafta Gareen ku eedeeyey in uu ka qadiyey Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada  Maamulkaas ee la magacaabay kana kooban Wasiiradaas 50 Wasiir, iyagoo ka mid ah Beelaha degan Koonfur Galbeed xaqna uleh in saamigooda ay ka helaan Maamulka Koonfur Galbeed si cad oo ulakac ah loo duudsiiyey xaqoodii.

Maxamuud Maxamed Cali oo loo yaqaano (Yariimi) ahna Siyaasi ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed kana soo jeeda Beesha Carab Soomaali oo waraysi siiyey Wargayska Tusmo Times xafiiska Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in balanfur ku sameeyey ama balantii uu ugu baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassn Maxamed Lafta Gareen ka dib balan qaad uu sameeyey.

Siyaasigaan la yiraahdo Maxamuud Maxamed Yariimi ayaa intaas warkiisa ku daray in ka beel ahaan la xaqiray saamigoodiina la siiyey beelo iyaga la mid ah taasina aysan qabanin beeshiisa.

Siyaasigaan Yariimi ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinyaradii utaagnaa kuna hanweynaa in loo magacaabo jagooyinka wasaaradaha ee banaanaa balse laga qadiyey boosaskiina la buuxiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version