Wararka Soomaalida

Beelihii ku dagaalamay bariga Mudug oo heshiis kala saxiixday

Published

on

Beelihii dhowaan ku dagaalamay bariga Gobolka Mudug gaar ahaan degmooyinka Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ayaa maanta kala saxiixday 5 qodob ka dib heshiis la kala dhax dhigay beelahaas dadbadan iska laayay.

Saxiixa heshiiskaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka iyo Taliya qaybta 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka.

Qodobada ay kala saxiixdeen beelahaas ayaa waxaa ka mid ah.

1-in la dhiso ciidamo isku dhaf ah
2-Gudi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood
3- in Si Nabad ah ay uwadda daaqaan Xoolaha Dadka ree Guuraaga ah
4- in qofkii qof kale dila lagu Xukumo Dil Toogasho ah
5- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Somaliya ay la wareegi doonto,

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xoog Dalka Somalia ee ku sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha Dagaalamay.

Heshiiskan ayaa ku yimid ka dib dadaal ay sameeyeen Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo xalka iyo nabada ay qaateen odayaasha deegaanka wuxuu udub dhexaad u noqday in heshiiskan ay kala saxiixdaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guul ay ku soo dhamaatay gogoshii nabadeed ee la dhex dhigay maleeshiyaadkii colaada dhexmartay Gobolka Mudug wuxuuna intaas ku daray in labada dhinac uu ugu mahadcelinayo bisalka nabadeed ee ay wada qaateen.

Beelahan hadda la heshiisiiyay ayaa iska dilay in kabadan 46 qof halka dagaalka ay iskiiga dhaawaceen 120 ruux sida dadka la deegaanka ah beelahan ay sheegeen iyadoo waxay isku laayeena aad laab saqiir u tahay.

Trending

Exit mobile version