Wararka Soomaalida

Beelihii ku dagaalamay Towgiiq iyo Af-Barwaaqo oo heshiis hordhac ah gaaray

Published

on

Degmooyinka Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee gobolka Mudug ayaa mudooyinkaamba waxaa waan waan ka waday gudigii iskuuga jiray Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug si ay u heshiisiiyaan beelaha walaalaha ah ee dagaalka dhiiga badan ku daatay ku dhax maray degmaayinkaasi.

Gudigaas ayaa dhax dhaxaadinta ka soo bilaabay Degmada Af-Barwaaqo iyagoo la soo kulmay Odayaasha iyo wax garadka bulshada degmada ka dibna meel isla soo dhigay in nabada ay qaataan ka dibna waxay u soo gudbeen degmada Towfiiq waxayna kulan la qaateen Odayaasha iyo wax garadka bulshada degmada waxayna kala hadleen in nabada ay qaataan iyagoo Odayaashii iyo wax garadkiiba gudiga ka ogolaaday arimaha nabadaynta ah ee ay usoo jeediyeen.

Gudiga ayaa intaas ka dib hal meel iskuuga keenay inta talada ka go’da ee labada beelood ee dagaalka dhaxmaray Odayaasha iyo wax garadka labada dhinac waxayna u sheegeen gudiga beelaha dagaalamay wax dhaama nabad inaysan jirin oo nabada ay qaataan si nabad ugu wada noolaadaan.

Haddaba Waxgaradka beelihii ku dagaalamay Degmooyinka Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa heshiis hordhac ah kala saxiixday iyadoo taliska ciidanka xoogga dalka qeybta dalka iyo mas’uuliyiinta la socotay heshiiskaas garwadeen ay ka ahaayeen waxaana la isku raacay in ciidankii dagaalamay ee labada beelood la kala qaado wixii dhimana wada hadal lagu dhameeyo.

Trending

Exit mobile version